Deegaanka Beer Oo Laga Hirgaliyey Kuuliyad Lagu Baranayo Cilmiga Beeraha

 

 

Burco(SLpost)– Dugsi cusub oo lagu baran doono culuumta beeraha ayaa laga furay deegaanka Beer ee gobolka Togdheer. Dugsigan oo la yidhaa Beer Agricultural School ayaa munaasibadda wanqalka furistiisa waxa ka qaybgalay masuuliyiinta iyo maamulka gobolka Togdheer, aqoonyahanno iyo dadweyne Kale.

 

 

Dr. Axmed Xaaji Xasan Cawad oo isagu hirgeliyey dugsigan ayaa ka warbixiyey muhiimada dugsigani leeyahay iyo xaaladda keentay in dugsigan la furaba, isaga oo yidhi “Hindisaha dugsigani waxa uu ka dhashay abaarihii dhacay 2010-2011-kii oo aanu wax ka qabashadooda ula tagnay dalka Jarmalka, waxaana aanu rabnaa in aanu maanta furno dugsigan oo sabtida ay casharadu bilaabmaan, oo ilaa September uu ku socdo maalinle laakiin wixii ka dambeeya laga dhigayo Iskuul seexasho ah (Boarding)”.

 

 

“Waxa aynnu u barannay bariis iyo baasto,  annagu qamadi iyo hadhuudh baannu soo saaraynaa. Iskuulkani waxa la doonayaa in uu soo saaro cuntadeenna” Ayuu yidhi hirgaliyaha dugsigan Dr. Axmed.
“Waxa aannu doonaynaa in gobolada Somaliland gobol walba 5 qof ka yimaadaan, beerna 7 qof aannu ka qaadanno. Xirfadlaha beeraha ayaa loogu talagalay in uu iskuulkanni soo saaro, dugsiganna dhaqaale badan baa ku baxaya xoogana waxa aannu saaraynaa tayaynta waxbarashada” Ayuu yidhi maamulka dugsiga, Muuse Yuusuf Raabbi.

 

Guddoomiye xigeenka gobolka Togdheer Maxamed Diiriye Xayd oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in baahi weyn loo qabo cilmiga beeraha iyo barashadiisa, waxa kale oo aasaasaha iyo maamulkaba ugu mahadnaqay hirgalinta dugsigan qiimaha badan.

 

Ugu dambayn Maayarka degmada Burco mudane Muraad ayaa waxa uu ka dhawaajiyey in ay caawinayaan oo ay is barbar taagayaan dugsigan isaga oo sheegay in ay kalfadhigan ugu darayaan miisaaniyad dugsigan lagu dhaqaajiyo, waxa kale oo uu u mahadnaqay maamulka dugsiga. “Dugsiyada kale ee aannu caawinno ee aannu shidaalka siinno uun buu kanna ka mid noqoyaa, taanna waxa igula qiimo badan in aannu kalfadhigii miisaaniyadda wax u galinno”.

 

Somalilandpost Office, 2015