Dedaalka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Waxbarashadda Bilaashka ah (FPE) iyo Doorka taakulo ee ay Shacabk u ka gaysan karaan

Akhristayaal, waxa aanu halkan idinku soo gudbinaynaa barnaamij waxbarasho oo ka hadlaya horumarka ay ku tallaabsatay wasaaradda Waxbarashada ee ay hoggaaminayo Marwo Samsam  Cabdi Aadan oo xukuumadda ay ka tirsan tahay xisbigeedu ballan-qaaday wakhtigii Ololaha Doorashada in lacag la’aan lagu dhigan doono waxbarashada Dugsiyada H/Dhexe.

Hordhac

Sida aad lawada socotaan markii La gallay Tartankii Doorashaddii Madaxweynaha iyo Ku xigeenka ee Seddexda Xisbi Qaran ee dalka UDUB, KULMIYE IYO UCID, waxa tartankii ku guulaystay Xisbigga Kulmiye oo uu Hogaaminayey Madaxweyne Axmad Maxamuud Siilaanyo. Hadaba Guusha Tartankaasi waxa keenay oo dadweynuhu ugu codeeyeen Xisbigga Kulmiye Barnaamijkii Waxqabad ee u soo bandhigay waqtigii Ololaha uu samaynayey.

Barnaamijkaa Waxqabad waxa ku jiray oo aad u Muhiim ahaa in Arrimaha Bulshadda iyo noloshoodaba uu Horumar Macquul ku samayn doono Haddii Eebe Ogalaado.

Barnaamijkaasi Waxa ku jiray in Xisbigga Kulmiye markuu talladda Qabto uu Waxbarashadda Dugsiyadda H/Dhexe (1- 8) ama Waxbarashadda Aasaasigga ah ka dhiggi doono Bilaa Lacag ama Bilaash.

Waxaanu Wareegto ku soo saaray in Laga bilaabo Sanad-Dugsiyeedka 2011/2011 ay waxbarashadda dugsiyadda H/dhexe ( fasalka 1aad ilaa fasalka 8aad )ay Bilaa lacag tahay ama ay tahay Bilaash.

Arrintaasi oo waafaqsan Shirarkii, Heshiisyaddii iyo qararaddii ka soo baxay Hayadaha Jimciyadaha Quiruumaha ka dhexeeya , Ururka Afrika iyo guud ahaan Caalamka oo Dhamaantood sheegaya in xuquuqda ubadka la ilaaliyo laguna tallo gallo in 2015 qof kasto Aduunyada ku nooli uu wax Qori Waxna Akhriye Karro.

Sidaa daraadeed, Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare waxay  isu diyaarisay oo ay talla gal buuxa ku sameysay in:

  • Loo Diyaargaroobo Korodhka Ardayda(Influx of the Enrollement)
  • La shaqaaleeyo Macalimiin ama Barayaal ku fillan hawl galkaasi(FPE)
  • La Wacyi geliyo Guddiyadda Waalidiinta ee Dugsiyadda Aasaasigga ah
  • Loo hello dhaqaale dhammaan Baahiyaha Dugsiyadda ee ay ka midka yihiin Biyaha, Laydhka iyo Mushaharka Shaqaalaha Hoose ee ka shaqeeya.
  • Sanduuq loo Furro Waxbarashadda Bilaashka ah(FPE), si wixii tabaruc ah ay Muwaadiniintu ugu soo shubaan.
  • Taageero buuxda loo sameeyo Qaraarka ka soo baxay Dawladda.

Hirdanka ilaa hadda soo baxay(Challenges):-

  • Tababar Laaanta Barayaasha Qaarkood
  • Dhaqaalaha  oo yar ama kooban
  • Wadaniyaddii oo liidata
  • Aqoonsi laaanta
  • Siyaasaddii Waxbarashadda oo u baahan wax ka bedel oo lagu dabaqo  Waxbarashadda Bilaashka ah(FPE) iyo Xeer Hoosaad u gaar ah oo loo Sameeyo.
  • Ka Qayb qaadashaddii Bulshadda ee Arrimaha Horumarka ah oo Hoosaysa

F.G:- Waxa Muwaadiniinta ama Guud ahaan Bulshadda reer Somaliland ku dibad jooga iyo dalka gudihiisa joogaba  laga Codsanayaa in ay Muujiyaan Taageeraddooda Waxqabad oo ay ka qayb qaataan Barnaamijkan (FPE) Waxbarashadda Bilaashka ah ee Dugsiyadda H/dhexe.

M.Jama Farah
Executive Coordinator MoEHS

Khadar Iid Kaariye

Xubin ka tirsanBahweynta

Waxbarashada Somaliland