Dayax moodaabaad si weyn loo dareemay oo caawa fiidkii laga arkay Guud ahaanba dalka oo dhan

Hargeysa, (SLpost)-Dayax modoobaadkan ayaa waxaa la dareemay isla markii ay cadceedu dhacday ilbidhiqsiyo kadib markii uu dayaxu soo baxay,dayaxa oo dayaxa oo maraya maalmihii uu ugu cadaanka badanyahay, ee badhtamaha bisha.
Dayax madoobaadkan ayaa laga arkay qaybo kala duwan oo caalamka sida wadamada Badhtamaha africa,iyo qaarada Uastereeliya.
Dayax madoobaadkan ayaa noqonaya kii labaad ee dhaca sanadkan sii galbanaya ee labada kun iyo koob iyo tobanka.
Culimo awdiinta wadanka ayaa markii laga dareemay dayax madoobaad waxay markiiba u carareen dhinaca masaajidada iyaga oo dadweynihii masaajidada ku tukanayay ku booriyay inay alla ka cabsiga ku dedaalaan,isla markaana ay ku dheeraadaan alla ka cabsiga iyo dulmigana iska ilaaliyaan.

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net