Hargeysa (SLpost)- Dayax-madoobaad dhammeystiran (Full Lunar Eclipse), ayaa subaxnimadii hore ee Isniintii Saaka laga dareemay qaaradaha Afrika iyo Eeshiya, gaar ahaan bariga Qaaradda Afrika kaddib markii laga soo baxay salaaddii Subax, iyadoo la arkayey in dayuxu dhammaantii uu madoobaaday.
Dayax-madoobaadkan oo laga arkay Caalamka oo dhan Subaxnimadii hore iyo qaybihii dambe ee habeenimadii iyo subaxnimadii hore ee Isniinta maanta 28 September qaaradaha Eeshiya, Afrika & Yurub iyo Qorax-dhaca maalinimadii Axadda ee shalay oo laga arkay qaaradaha Koonfurta iyo Woqooyiga Ameerika, ayaa lagu tilmaamay dhacdo dhif ah oo rubuc-qarni kasta la arko hal mar.
Dayax-madobaadka ayaa magaalada Hargeysa laga dareemay markii laga soo baxay Salaaddii Subax, waxaana masaajidada magaalada laga tukaday Salaad Eebbe lagaga magan-gelayo masiibooyinka ku-cibro-qaadashada mudan ee ku lammaan dhacdooyinkan.
Sida ay sheegaan khubarada cilmi-falagga, Dayax-madoobaadkan waxa sababa marka Dayaxu ku beegmo ama hoos-galo Hadhka Dhulka, taas oo ka dhigan in Dhulku ku beegmo meel u dhaxayso Qoraxdda iyo Dayaxa oo isagu ku tamariya ileyska Qorraxda.
Dhacdadii ugu dambaysay ee Dayax-madoobaadkan oo kale dunida ka dhacay, ayaa ahayd sannadkii 1982-kii, iyadoo dhacdada tan xigta ay culimada cilmi-falaggu ku sheegeen inay soo mar kale soo noqon doonto sannadka 2033-ka.
Dayax-madoobaadka dhammeystiran, ayaa dhowrkii sanno hal mar ama laba jeer laga arkaa qaybo ka tirsan qaaradaha adduunka, balse dayax-madoobaadkan, ayaa kaga duwan iyadoo laga arko guud ahaan adduunnka xilliyo kala duwan, waxaana astaan u ah midabka Dayaxa oo casaan isku-beddelo, sida ay khubarada cilmi-falaggu sheegaan.
Sida aanu ka soo xigannay jariiradda Daily Telegraph ee ka soo baxda dalka Ingiriiska oo soo xiganaysa Khubarada aqoonta u leh cilmi-falagga, dayax-madoobaadka ku soo beegmay Isniinta Saaka ee bishu tahay 28 September, ayaa soo gebo-gabeeyey taxane Afarle ah oo isku xiga oo dayax-madoobaad dhammeystiran laga dareemay adduunka qarnigii u dambeeyey, waxaanay khubaradani ku xidhiidhiyeen dhacdadan inay isbeddello ku iman doona Arrimo saamayn ku leh dhacdooyinka maalinlaha ah ee adduunka ka dhaca oo masiibooyhinka dabiiciga ahi ka mid yihiin.
Dayax-madoobaadkan, ayaa la sheegay inuu qaadan doono muddo 5 Saacadood iyo dheeraad ah. Dalalka Eeshiya, Afrika iyo Yurub oo dayax-madoobaadku ku soo beegmay xilli maalinimo ah, ayaan laga dareemi doonin muddada intaas le’eg ee Hadhka Dhulku ku daboolnaan doono Ileykiisa, balse waxa laga dareemi doonaa waddamada qaaradaha Koonfurta iyo Woqooyiga Ameerika.
SOMALILANDPOST.NET