Dayax-madoobaad caawa laga Arkay Adduunka intiisa badan iyo Astaamaha u gaarka ah

Hargeysa (SLpost) – Inta Badan Qaaradaha adduunka waxa caawa laga dareemay Dayax-madoobaad-kii ugu muddada Dheeraa qarnigan, gaar ahaan marka qayb ka mid ah Dayaxuhu madoobaato, kaas oo qaadanaya inuu socdo muddo 2 saac iyo dheeraaad ah.

 

 

Dayax-madoobaadka noocan oo loo yaqaan Half Blood Moon Lunar Eclipse (Dayaxa oo Qayb madoobaada inta kalena Casaan dhiig ah noqoto)  ayaa ah in Qayb ka mid ahi Dayaxu madoobaato, inta bandanna ay dhacdo in Dhulku kala dhex-galo Dayaxa iyo Qorraxda, isla markaana hadhka dhulku daboolo Qayb ka mid ah Dayaxa ama u diido in iftiinka Qorraxdu gaadho Dayaxa.

 

 

Dayax-madoobaadkan, ayaa bilaabay 10:30-kii habeenimo ee Bariga Afrika, ayaa laga dareemay Dhammaan dunida oo dhan marka laga reebo Woqooyiga Maraykanka oo Xilliga uu dhacayo ku beegan tahay wakhti maalinimo ah, waxaanu ku soo beegmayaa labada todobaad kaddib Qorrax-madoobaad dunida inteeda badan laga dareemay oo dhacay 2-dii bishan July.

 

Dayax madobaadka oo inta badan yimaadda Bisha ama Dayaxa oo 15 ah, waxa si weyn looga dareemay qaarada Afrika, Europe, Galbeedka qaaradda Eeshiya, South America iyo Australia.

 

 

Sidoo kale meelaha caawa laga dareemay Dayax madoobaadka waxaa ka mid ah dhulalka ay Soomaalida dagto.

 

Dayax-madoobaadkan ayaa sida Saynisyahannadu sheegeen noqonaya kii ugu dambeeyey sannadkan 2019-ka, iyada oo kan ka ku xiga la filayo badhtamaha sannadka 2020-ka.

 

TOOS U DAAWO DAYAX-MADOOBAADKA

 

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net