Dayactir ku Socda Waddooyinka Muqdisho

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, ayaa waxaa maalmihii ugu dambeeyay ka socday dhismooyinka qaar ka mid ah jidadka magaalada oo lagu dhisayo lacago uu maamulka gobolkaka uruuriyay dadweynaha.

Dhismaha waddooyinka iyo goobaha kale ee bulshada, ayaa qeyb ka ah mashruuc la magac baxay dalkaaga dhiso, oo magaalada Muqdisho looga dhawaaqay.

muqdisho Wadooyin

Wariyeheenna Magaalada Muqdisho Xassan Kaafi Qoyste ayaa warbixintan inoo soo diray.