DAWLADDU GOORMAY BARANAYSAA MAAMUL DAADEJINTA DALKA (Authority Delegation)?

muddooyDawladu waa Dad kamid ah shacabka oo loo doortay in ay qabtaan danaha guud ee dalka ee loo doortay, waxqabadka dawladu kuma koobna degmo ama magaalo gooni ah ee waa kuwo Dadka shacabka ah ee doortay dawladaasi Magaalo maddax ilaa tuulada Xuduudka ku taal in ay helaan baahidooda ay u qabaan horumatinta.

Shaqada ugu mihiimsan ee dawlada looga baahanyahay sida ay sheegaan aqoonyahanada wax badan ka yaqaan Waa laba kuwaas oo kala ah

1. NABAD-GELYADA (SECURE)

Qodobkani waa kan aasaasiga u ah bulshada meel kunool waana kan ugu mihiimsan jiritaanka dawlad iyo umad meel ku dhaqan, Hadii aanay nabadu ahayn laf-dhabarka shay kasta wax suurto gelyaa aanay jirin, Sida xaqiiqadu ay tahayna qodobkan Nabada ee ka hadlaaya jiritaanka dawladu waa mid si guud oogu faafay bulshadeena, misana ay dadku fahmeen Macanaha iyo Muhiimadda Nabada, sidaa darted u ma baahna in wax baddan laga sheego.

2. HORUMARINTA  (DEVELOPMENT)

Qodobkan Labaad oo ah kan ugu mihiimsan ee Maqaalkan iyo kuwa xigaa ka hadli doonaan waa qodob aad moodo in dawalad kasta oo soo marta Dalkeena Jamhuuriyada Somaliland aanay si guud ugu dhaqmin Misan aad moodo nidaam ahaan Meesha uu kasoo jeedo iyo sida loo kala leeyaha in aanay cadaanin, Horumarku waa ka keenaya In dalku kala yeesho qaybo kala duwan (wasaarado) qabanaaya shaqooyin kala duwan, Misna qodobkani waaka caddaynaya in Maddaxweynaha, Wasiiraka, Agaasimaha iyo qofka shacabka ahi midiba uu bulshada meel kaga jiro.

Waddankeena waxaa ka jira Wasaaraddo baddan oo qabta waxaaybo baddan oo Aasaasi ah Sida Wasaarada Waxbarashada, Wasaarada Beeraha, Wasaarada khayaradka badda, Wasaarad Macdanta iyo biyaha dhawarkan wasaaradood ee aan soo qaatay waa kuwo aasaasi ah Misana dawladau aanay kasugahayn in ay dakhli soo geliyaan Dalka ee laga sugaayo in ay Horumar gaadhsiiyaan Bulshada Tusaale tan waxbarashada waxaa laga sugayaa in Jahaliga ay la daagaalanto oo dadku wadda noqodaan kuwo Waxbartay, Tan beeraha in Dadka ay barto sida saxda ah ee Wax losoo saaro, Misan ay keento Fikiraddo iyo qorshayaal (Projects, Analysis) sidii bulshadu uga Maarmi lahayd Waxsoosaarka dibada oo ay ugu tiirsanaan lahayd Kan waddanka, Haddaba waxaad Moodaan in Horumarkii caynkaas ahaa in uu meesha ka maqanayahay Misana waxaad Arkaysaa Maddaxweynihii dalka oo Waxbarashadii Gacanta ku haya, Misan Dugsiyo cusub dhagax dhigaya, kuwo kalena Xadhiga ka jaraaya, Tanay waxay cawaaqib ku noqonaysaa Maamul daadejintii Dawlada, Waxaad arkaysaa Xafiiska Maddaxtooyada Oo Waddoyin cusub furaaya misana Kuwo cusub dhagax dhigaaya, tani waxay cawaaqib ku noqonaysaa Wasaaradii Guryeynta iyo Gaadiidaka, iyo sidoo kale Ha’yadii Wadooyinka oo shaqadoodii ay meesha ka baxayso.

Dhibta waddanka ka jirta Gaar ahaan dhankan Horumarintu Maaha oo keliyaha qodobadan aan taabanaayo, Laakiin aniga oo waxbadan ka qori doona si nidaamkani Insha allah wax iskaga baddalaan Aniguna aan noqodo mid dawladiisa iyo dadkiisaba ku saxa wixii uu ku tari karo, waxaan eegi doonaa Maamul daadejinta saxada ahi waxay tahay, Si dalku u noqodo mid Horumar gaadha oo layidhaa shaqadii dawladu si saxa ah bay u gudatay Amaan iyo taageerana ay ka kasbato shacabka waxaa fiican in Wasiir kastaa ka shaqeeyo arimaha wasaaradiisa oo Maddaxweyn ama Wasiir kale aanu faro-gelin arinta wasaaradaasi si shaqadii lakala lahaa ay u socoto, Misana Mashruuca Maddaxweynha ama Wasiirka kale ee uu Isagu igmaday furi karaa noqodo Mashruuc weyn oo Shaqaalaha iyo Waxqabadkiisu Yahay mid waddanka is bedel ku keenaya.

TALO:

Si Dalku Horumar u gaadho waxaan bulshada u soo jeedinayaa in dhanka kaga aadan waxqabadka dalka ka qayb qaataan misana ogadaan in waddanka iyagu ay leeyihiin, dhanka kale dawladu laf ahaanteedku dhanka ay ku liidato ee ah Maamul daadejinta ay si adag iskaga dhisto si horumarka wasaarad kastaa ku qabato uga muuqdo waddanka Oo Ay noqoto Meel wasaaradaha dalku siiba kuwa kashaqeeya Horumarinta dalka ee aan Dakhliga buuran laga sugahaynin ay ku tartamaan waxqabadkooda Bilkasta ama Sanad kasta, Si waddanku u horumaro misana waxaa wanaagsan in wasaarad kastaa gobol kasta ku yeelato xafiis waxqabad oo jira.

 

Hamse Bashe Muhumed

E-mail: Xamse18@gmail.com

BBA-Accounting and Finance

Alpha University College