Dawladda Turkigu Maxay ka Tidhi Socdaalkii Weftiga Madaxweyne Siilaanyo iyo Mawqifkeeda Qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland?

Ankara (SLpost)- Wasaaradda Arrimaha Debedda ee Dalka Turkiga, ayaa ka hadashay socdaalkii Madaxweyne Siilaanyo iyo weftigiisu ku tageen dalkaas iyo kulamadii dhexmaray.

War-saxaafadeed lagu baahiyey bogga internetke ee Wasaaradda Arrimaha Debedda Dalka Turkiga, ayaa lagu shaaciyey mawqifka xukuumadda dalkaas ee siyaasadaha Somaliland iyo Somalia iyo kaalmooyinka dhanka horumarka iyo soo-celinta xidhiidh taariikhi ah oo dalka Turkigu la wadaago Somaliland.

somali-ye-destekQoraal lagu baahiyey bogga Internetka ee Wasaaradda Arrimaha Debedda Turkiga, ayaa u dhignaa sidan:  “Wasiirka Arrimaha Debedda Turkey  Mr. Ahmet Davutoğlu waxa uu 13-kii March, 2013 kulan la qaatay Madaxweynaha Somaliland Mr Axmed Maxamed (Siilaanyo).

Kulanka oo ay goob-joog ka ahaayeen Shan Wasiir oo wasiirka Khaarajigu ku jiro, waxa lagu soo qaaday Mashaariicda ay Somaliland ka fuliyaan Hay’adda Iskaashiga Caalamiga ah iyo Horumarinta ee Turkiga (TIKA) iyo Ururrada Turkiga laga leeyahay ee aan Dawliga ahayn ee Gudaha Somaliland ka hawl-gala.

Wasiirka arrimaha dibadda dalka Turkiga Ahmet Davutoglu waxa uu in Turkigu sii wadi doono gacanta dhaqaale iyo gargaarka uu siiyo dhammaanba qaybaha Soomaaliya ka koobantahay oo Somaliland ku jirto. Somaliland waxay muhiimad gaar ah ugu leedahay Turkiga xidhiidhada taariikhiga ah ee dawladdii Cismaaniyadu la lahayd. Iyada la xoojinayo mawqifka Turkiga ee Midnimada Soomaaliya, Wasiirka arrimaha dibaddu waxa uu iftiimiyey in Turkigu sii wadi doono taageeradiisa dhanka dib-u-heshiisiinta, deggenaansha iyo horumarka dadka Soomaalida ah.”

SOURCE:  Bogga Wasaaradda Khaarajiga Turkiga

SOMALILANDPOST.NET