“Dawladda Turkigu Madaxdhaqameedka kama ay Codsan in ay ka Qayb-Galaan Wadahadalka” Qunsulka Guud ee Turkiga u Fadhiya Somaliland

Hargeysa(SLpost)-Dawladda Turkiga ayaa ka hadashay wararka sheegay in madaxdhaqameed lagu bedelayo wada hadalkii Somaliland iyo Soomaliya.

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Hargaysa ee qunsulka guud ee Turkiga u fadhiya Somaliland Muzaffer Yüksel ayaa sheegay innaanay warkaa waxba ka jirin.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay xafiiska qunsulka guud oo uu ku saxeexan yahay Muzaffer Yüksel ayaa lagu sheegay innaanay waxba ka jirin warkaasi ay baahisay warbaahinta maxaliga ahi.

“Aniga oo ku hadlaya afka dawladda Turkiga, Qunsuliyadda Turkigu waxa ay ogaysiinaysaa bulshada reer Somaliland in warkaasi kusoo baxay saxaafada maxaliga ahi dulucdiisuna ahayd “Af hayeenka Salaadiinta Somaliland oo xaqiijiyey in ay ka qayb galayaan wada-hadaladda Turkigu dhexdhexaadinayo” in warkaasi aannu ahayn mid sugan isla markaana yahay mid marin habaabin ah.Waqtigani la joogo Dawladda Turkigu cidna kama ay codsan in ay ka qayb-galaan”ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka.

Warsaxaafadeeedka

 

 

Waxa lagu sheegay warkan ka soo baxay xafiiska qunsulka Turkiga u fadhiya Somaliland Muzaffer Yüksel in haddii aanay dawlada Somaliland ka codsan arimaha wada hadalada in la bedelo aanu Turkigu wadan qorshe kale.

“Wada-hadalada laba geesoodka ah, oon ka ahayn Dawladda Somaliland umana qorsheysna in ay talaabadaasi qaado mustaqbalka haddii aanay dawladda Somaliland ka codsan”ayaa lagu yidhi warka qunsulka Turkiga ee Hargaysa Mr Muzaffer Yüksel.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay inaanay bulshada Somaliland dheg u dhigin wararka aan sida rasmiga ah uga soo bixin dawlad Turkiga.

“Waxaanu jeclaan lahayn in aan bulshada reer Somaliland dhag u dhigin war aan si rasmi ah uga soo bixin Dawladda Turkiga.

Mar labaad, waxaanu salaan diiran u diraynaa, isla markaana jecelnahay in ay guuleystaan bulshada reer Somaliland” ayaa lagu soo gabagabeeyay warsaxaafadkeedaasi.

Wadahadalada Labada dal ayaa maalmihii ugu dambaysay ay ka soo baxaysay warar sheegaya in ay dawladda Turkigu ku bedelayso madax-dhaqameedka oo meteli doona labada dal. Suldaan Xiiray ayaa markii ugu horaysay warkan hadalhaynta ahaa soo dhaweeyay islamarkaana sheegay in ay diyaar u yihiin in ay ka qaybgalaan waddahadalkaas, waxa sidoo kale dhinaca kale ka istaagay oo arrinkan gaashaanka u daruuray islamarkaana sheegay in aannay ka qaybgaleyn qaar ka mid ah salaadiinta Somaliland.

 

Somalilandpost, Hargeysa Office