Dawladda Turkiga oo sheegay in ay Joojisay Lacagihii Tooska ahaa ee ay Siin Jirtay Somaliya

Ankra (SLpost)- Mid ka mid ah deeq bixiyeyaashii somaliya ugu muhiim sanaa oo ah Dowladda Turkiga  si lama filaan ah ugu dhawaaqday in ay joojisey dhaqaalihii ay sida tooska ah u siin jirtey dalka Soomaaliya, dhaqaalahaas oo badankiisa lagu bixin jirey gargaarka bini aadamtinimada iyo weliba mashaariicda dhanka horumarinta bulshada la xidhiidhta,gaar ahan cusbitaalada iyo wax u qabashada dadka barakay.

Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganeysa sarkaal sare oo aan la magacaabin oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Turkiga, ayaa uu daboolka ka qaaday in horaantii sanadkan la joojiyey cawimadii tooska ahayd ee uu siin jiray Turkigu xukuumadda Somaliya.

Sarkaalkan oo la weydiiyey inay jiraan wada-hadallo u socda labada dhinac oo ku aaddan sidii sanadkan 2014 dib loogu bilaabi lahaa dhaqaalihii Turkiga sida tooska ah u siin jirtay Soomaaliya iyo in kale, wuxuu ku jawaabay waxa uu sheegay in anay dawladiisu diyaar u ahayn in ay qorashaasi hada dib u bilaydo waxana uu yidhi, “xilligan taas wax ku tala gal ah kama lihin, qorshahana nooguma jirto”

Ma cadda xaddiga ay leekayd lacagta ay sannad walba xukuumadda Ankara caddaan ahaan u siin jirtey Dowladda Soomaaliya, haseyeeshe Cabdisalaam Cumar Hadliye oo ah guddoomiyihii hore ee Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in muddadii uu xilkaas hayey ay bil walba bankiga dhexe kusoo dhici jirtey lacag dhan $4.5 milyan oo dowladda Turkigu ay ku deeqday.

Turkiga  ayaa si wayn loogu xasuustaa oo qaybta ugu weyn ka qaatay gurmadka abaarihii Soomaaliya ku dhuftay sanadkii 2011, wuxuu Soomaaliya ka hirgeliyey mashaariic horumarineed badan, wuxuu sidoo kale dhisay goobo waxbarasho, Cusbitaallo; iyo weliba dayactir lagu sameeyey xarumaha dowladda iyo kaabeyaasha dhaqaalaha gaar ahaan qaar kamid ah jidadka waaweyn ee magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale arritani waxa ay ku soo beegmaysaa xilli uu madaxwaynaha somaliya Xasan Sheekh Maxamuud Ku Suganyahay dalka Turkiga oo uu u joogo safar caafimaad,ilaa iyo hadana lama oga sababta keentay in ay dawladda Turkigu joojiso cawimadaasi balse waxa loo anaynayaa in ay u joojisay musuq maasuq lagu sameeyaya lacagta caawimada ahayd ee Turkigu tooska u siin jiray somaliya.

SOMALILANDPOST.NET