Dawladda Turkey oo shaaciyey Mawqifkooda go’aamadii ka soo baxay wada-xaajoodka Somaliland iyo Soomaaliya

Turkey's Foreign Minister Ahmet Davutoglu

Ankara (SLpost)- Xukuumada Turkiga ayaa eray-bixin meeqaamkeedu dheeli-tiran yahay u adeegsatay qoraal saxaafadeed ay kaga hadleen natiijada ka soo baxday wada-xaajoodkii Somaliland iyo Soomaaliya ku dhexmaray dalkooda iyo go’aamadii ay ku gaadheen.

Dalka Turkiga ayaa caddeeyey inay soo dhoweynayaan go’aamada ku saabsan horumarinta xidhiidhka ka dhexeeya xukuumadaha Somaliland iyo Soomaaliya.

Turkey's Foreign Minister Ahmet Davutoglu
Turkey’s Foreign Minister Ahmet Davutoglu

 

War saxaafadeed Wasaarada Arrimaha Dibedda dalka Turkigu soo saaray shalay ayaa lagu sheegay in heshiisyo ka soo baxeen wada xaajood Turkigu martigeliyey oo dhexmaray wefdiyo ay kala hogaaminayeen Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland iyo wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya

Go’aamada ayaa lagu sheegay war saxaafadeedka inay ku jireen arrimo xasaasi ah, sida wada xaajoodyada soo socda, nidaamka go’aamada lagu gaadhayo, abuuritaanka guddi labada dhinac oo marjac u noqda nidaamka wada xaajoodka.

“Turkigu wuu soo dhoweynayaan go’aamada ku saabsan horumarinta xidhiidhka ka dhexeeya xukuumada Somaliland iyo Xukuumada Soomaaliya, waxaanu fududeynayaa waddo kasta oo u keenaysa xasiloonida iyo horumarka saaxiibada iyo walaalaha Soomaalida, annagoo la kaashanayna beesha caalamka waan sii wadi doonaa martigelinta iyo taageerida wada xaajoodka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya,” ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga.

War saxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibeda Turkigu ugu hambalyeeyey kulan uu la yeeshay Wasiiradii kala hogaaminayey labada dhinac.

Qoraalka dalka Turkigu ku shaaciyey mowqifkiisa go’aamadii ka soo baxday wada xaajoodkii wefdiyada Somaliland iyo Soomaaliya ugu dhamaaday magaalada Istanbul, ayaa u muuqda mid dibloomaasiyeed oo garab-siinaya natiijadii ka soo baxday wada-hadallada, waxaanu ka soo horjeeda mawqifka ay axsasabta mucaaradka ee Somaliland ka istaageen go’aamadii ka soo baxay kulankaas oo ay shaki ka muujiyeen, iyaga oo ku dooday in go’aamadaasi meesha ka saareen madaxbanaanidii Somaliland.

SOMALILANDPOST.NET