Dawladda Talyaaniga oo Hargeysa ka furtay Kulan-nabadeed Heer Caalami ah oo ay ka qayb-qaadanayaan Lix Waddan oo Somaliland ku jirto

Dawladda Talyaaniga oo Hargeysa ka furtay Kulan-nabadeed Heer Caalami ah oo ay ka qayb-qaadanayaan Lix Waddan oo Somaliland ku jirtoHargeysa (SLpost)- Kulan Heer Caalami ah oo qaban-qaabadiisa ay iska kaashadeen jaamacadda Hargeysa iyo Jaamacad ku taalla waddanka Talyaaniga, ayaa maanta xarunta Jaamacadda Hargeysa uga furmay wakiillo ka socda lix waddan oo ku yaala Mandaqadda Bariga Afrika oo Somaliland ku jirto.

Kulankan oo noqonaya kii ugu horreeyey noociisa ee Somaliland lagu qabto isla markaana lagaga hadli doono Horumarinta Nababadda oo socon doona muddo lix maalmood ah, waxa furay Safiirka Dawladda Talyaaniga u qaabilsan Soomaaliya iyo Somaliland Fabrizio Marcelli.

Waddamada Kenya, Somaliya, Ethiopia, Djibouti, Talyaaniga iyo Somaliland oo marti loo yahay, ayaa ka qayb-qaadanaya kulan nabadeedkan oo lagu lafo-guri doono horumarinta Nabadda iyada oo tusaale loogu soo qaadan doono geeddi-socodkii Somaliland u soo martay hirgelinta nabadda.

Halkan KA DAAWO