Dawladda Sweden iyo Golaha Deegaanka Bristol oo ku soo biiray Ololaha Aqoonsi-raadinta Somaliland iyo Nuxurka laba Qaraar oo loo Gudbiyey

Stockholm/Bristol (SLpost)- Dawladda dalka Sweden iyo Golaha deegaanka magaalada Bristol ee dalka Ingiriiska, ayaa loo gudbiyey fulinta go’aamo la xidhiidha arrimo dibloomasiyadeed oo lagu taageerayo qadiyadda madax-bannaanida Somaliland.

Carina Hägg_riksdagenXildhibaan ka tirsan Golaha Deegaanka magaalada Bristol ee dalka Ingiriiska, ayaa golahooda u gudbiyey mooshin lagu taageerayo qadiyadda madax-bannaanida Somaliland, halka xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Sweden uu dawladdooda u gudbiyey codsi la xidhiidha sidii dalkooda xafiis dibloomasiyadeed uga furan lahaa magaalada Hargeysa.

Xildhibaan Carina Hägg oo ka tirsan baarlamaanka dalka Sweden, ayaa shaacisay inay gudbisay dawladdeeda soo-jeedin gaar ah sidii dalkeedu xafiis Qunsuliyadeed uga furan lahaa Somaliland.

Xil. Carina oo ka mid ahayd wefti ka socda dawladda Sweden oo wehelinayey Safiirka Somaliland u fadhiya dalkaas Rooda Jaamac Cilmi, ayaa sheegay inay dawladdeeda u gudbisay dalab ku saabsan sidii ay xafiis dubloomasiyadeed uga furan lahaayeen Somaliland.

Waxa ay xildhibaannadani sheegtay in socdaalka ay ku timi magaalada Hargeysa uu ku dhaliyey fekerkeeda, ka dib markii ay ku qanacday xaaladaha horumarka iyo nabad-gelyada ee dalka, sida ay ku xustay qoraal kooban ay shalay soo dhigtay boggeeda Facebook. “Ka dib booqashadaysii Hargeysa, waxaan gudbiyey codsi gaar ah. Hore waxaan u codsaday in xafiis ku yeelano Muqdisho. Waxa la joogaa wakhtigan qaadi lahayn talaabada labaad oo noqonaysa xafiis Qunsuliyadeed dalka Sweden ku yeesho Hargeysa.”

Wefdi ka socday dalka Sweden oo xildhibaanaddani ka mid ahayd ayaa bishan horaanteedii socdal ku yimi dalka, waxaanay kulamo la yeesheen Madaxweyne Siilanyo iyo masuuliyiin ka tirsan xukuumada.

Dhinaca kale, xildhinaan Christian Martin oo laga soo doorto deegaanka Clifton East, ayaa golaha deegaanka ee Bristol oo uu ka tirsan yahay u gudbiyey mooshin ku saabsan taageerada qadiyadda madax-bannaanida

War-saxaafadeed ka hadlaya Mooshinka loo gudbiyey Golaha deegaanka ee Bristol, ayaa lagu baahiyey bogga Internetka ee Xisbiga Liberal Democrates oo xildhibaan Martin ka tirsan yahay.

War-saxaafadeedka lagu baahiyey website-ka Xisbiga Liberal Democrats, ayaa u qornaa sidan: “Golaha Deegaanku waxa uu aaminsan yahay in Somaliland, oo jaaliyad ka badan 10 kun kaga nool yihiin magaalada Bristol, loo aqoonsado dal madaxbanaan. Jaaliyada Somaliland kaalin weyn ayey kaga jiraan horumarka magaalada Bristol, isla markaana golaha deegaanku waxa uu si weyn ugu baaqayaa taageerada culayska kordhaya ee ku saabsan sidii dalkooda loogu aqoonsan lahaa dal madaxbanaan oo kursi ku yeesha Qaramadda Midoobay.

Golaha Bristol wuxuu aqoonsan yahay daliilada aqoonsiga Somaliland xoojinaya, iyo dhab ahaanta inay tahay dal nidaam dimoqraadi xasiloon leh, oo afar doorasho madaxbanaan ka dhaceen, isla markaana xisbiyada mucaaradkoodu u madaxbanaan yihiin metelaada danaha taageerayaashooda.

Golaha Bristol, markaa waxuu ugu baaqayaa xukuumada Ingiriiska inay u aqoonsato Somaliland dal madaxbanaan, isla markaana ku dhiirigeliso waddamada kale ee adduunka inay aqoonsadaan,” sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka la soo dhigay bogga Internetka ee Xisbiga Liberal Democrates oo ah xisbiga saddexaad ee ugu taageerada badan dalka Ingiriiska.

Magaalada Bristol, ayaa noqonaysa magaaladii labaad ee Golahooda deegaanku taageero Qadiyadda Madax-bannaanida Somaliland haddii mooshinkaasi dhaafo mudaneyaasha ku jira oo xisbiyada kala duwan ee dalka ka kooban.

Bilowgii Bishan April, ayay ahayd markii Kalfadhi ay isugu yimaaddeen Golaha deegaanka magaalada Sheffield oo ka kooban 82 mudane ay cod aqlabiyad ah ku meel-mariyeen mooshin uu u gudbiyey xildhibaan ka tirsan golahaas, iyaga oo go’aamiyey inay taageersan yahay qadiyadda Madax-bannaanida Somaliland.

 

XIGASHO: Himilo