Dawladda Sucuudiga oo xidhay maxjarkii sadexaad ee dhawaan laga furay magaaladda Berbera

Sucuudiga(SLpost) Dawladda Sucuudiga ayaa la sheegay inay soo saartay qoraal rasmi ah oo ay ku joojisay in Dalka sucuudiga la soo galiyo xoolaha soo mara Maxjarka sadexaad ee dhawaan laga furay magaaladda Berbera, kaasoo ay shuraako ku yihiin Gancsato reer Somaliland ah oo dhawaan dalka sucuudiga uga helay Ruqsad inay Xoolo u dhoofiyaan.

Wararka rasmiga ah ee naga soo gaadhaya Dalka Sucuudiga ayaa sheegaya inay Dawladda Sucuudigu shalay u yeedhay qaar ka mid ah ganacsatada Reer Somaliland ee Maxjarka leh, kuwaas oo ay ku war-galisay Amarka joojinta ah ee ay ka soo saartay Maxjarkooda.

Dawladda Sucuudiga ayaa lagu soo waramayaa inay ku war galisay Ganacsatadaasi inay keeni karaan uun markab badda ku sii jira iyo mid Dekedda Berbera laga rarayo oo Maxjarkaas maray, hase yeeshee wixii labadaas Markab ka danbeeya aanay ogolaan doonin Xoolaha Maxjarkaasi soo mara ee ay hore usiisay Ruqsada.Sida ay Waaheen u sheegeen Ilo wareedyo xogogaal ahi xidhitaanka Maxjarka sadexaad ee Berbera oo ay dhawaan Xukuumadda Somalland iyo Sucuudigu Ruqsada siiyeen, isla markaana laga raray Xoolihii u horeeyey waxa keenay qoraal ay wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliya u qortay Dalka Sucuudiga, taasoo ay kaga dalbatay in la xidho Maxjarkaasi.

Dawladda Somaliya ayaa qoraalan oo aan wali waaheen soo gaadhin balse loo xaqiijiyey jiritaankeeda ku sababaysay in Maxjarkaasi Magaaladda Berbera ka abuuray xasilinood darro iyadoo ku wargalisay haddii aan la joojin inay xaalad colaadeed ka abuurmi doonto. Illaa hada si rasmi ah looma oga cida Dacwadda u gudbisay Somaliya, hase yeeshee ilo wareedyo u dhuun daloola ayaa ku xidhiidhinaya khilaafkii Maxjarada Berbera ee dhawaan Maxkamadda Islaamiga ah ee Hargeysi xalisay.

Xigasho Waaheen