Dawladda Somaliya oo ka jawaab-bixisay Hadal Xukuumada Somaliland ku shaacisay Qorsheyaasheeda siyaasadeed Wada-hadallada labada waddan

SaacidMuqdisho (SLpost)- Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka jawaab-celisay hadal dawladda Somaliland hore ugu micnaysay qorshaheeda la xidhiidha nuxurka kama dambaysta ah iyo natiijada ay ka filayso wejiga afraad ee wada-hadallada labada dal oo dhowaan ka furmi doona magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Raysal-wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), ayaa iftiimiyey natiijada ay ka filayaan iyo ujeeddada ay leeyihiin wada-hadallada wejigooda Afraad maraya ee ay la leeyihiin Xukuumadda Somaliland, isaga oo sheegay inay rejaynayaan midnimo Soomaaliyeed oo mar kale dhexmarta labada dalka.

Dr Saacid oo magaalada Muqdisho ugu warramay Wariye Cabdisalaan Hereri oo ka tirsan Telefishanka gaarka loo leeyahay ee Universal TV, ayaa ujeeddada shirarka labada dhinac ku tilmaamay qaar looga dan leeyahay aayo-ka-talinta iyo isu-soo-dhawaynta mabaadi’da kala duwan ee labada dhinac, isaga oo sheegay inay dhankooda daacwad ka yihiin sidii ay shirkaas uga soo bixi lahaayeen midnimo Soomaaliyeed.

Dr Saacid oo la weydiiyey halka ay ku dambeeyey fulinta qodobbadii lagu heshiiyey shirarkii hore ee wada-hadallada, ayaa yidhi, “Dawladdayadu way ku dedaalaysaa isu-soo dhawaynta umadda Soomaaliyeed, Shirkanina (Wada-hadallada) qayb ayuu ka yahay, waanu wadi-doonaa, Daacad baanu ka nahay. Somaliland-na wax walba oo ay ku qancayso diyaar baanu u nahay.”

Wariye Cabdisalaan Hereri oo Raysal-wasaaraha weydiiyey waxyaabaha uu u arko inay xal u tahay kala-fogaanshiyaha labada dhinac iyo hadal wasiirka Arrimaha Debedda Somaliland hore u sheegay in wejiga Afraad ee wada-hadalladu noqonayaan Maxsuulkii ay Somaliland ka rabtay wada-hadallada, waxa uu Raysalwasaare Saacid kaga jawaabay hadal aan cusbnayn oo inta badan ay madaxda Somaliya dhegaha ugu ridaan shacabkooda. “Waxa aanu uga dan leenahay (Wada-hadallada) in la helo dawladnimo Soomaaliyeed oo mid ah iyo waxa dadku rabo oo loo maro dariiq dib-u-heshiisiineed oo laysla wada oggol yahay in lawada helo weeyey ujeeddadayadu,” ayuu yidhi Dr Saacid.

Wasiirka Arrimaha Debedda Somaliland Md Maxamed Biixi Yoonis oo todobaadkii hore isaga oo ku sugan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya warbaahinta la hadlay, ayaa ku sifeeyey natiijada ay Somaliland ka filayso wada-hadallada inuu tahay ujeeddadii ay markii horeba Somaliland u oggolaatay wada-hadallada oo micnaheedu yahay inay Somaliland ka madax-bannaanaato Somaliya inteeda kale.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net