Dawladda Somaliya Oo Joojisay Shir Uu Midowga Yurub Dhaqaale Ugu Ururinayay Mashruuca Berbera Corridor Ee Isku Xidhaya Dekedda Berbera Iyo Itoobiya 

Hargeysa(SLpost)-Dawladda Somaliya ayaa joojisay shir uu ururka Midowga Yurub qaadhaan ugu ururinayay jidka Dekedda Berbera ku xidhaya Itoobiya.

Wargeyska Washington post ee ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa warbixin dheer oo uu shalay ka qoray Somaliland, wuxuu qayb ka mid ah ku sheegay in dawladda Somaliya joojisay kulan uu Midowga Yurub doonayay inuu bishii hore qabto, kaas oo dhaqaale loogu ururinayay mashrucua Berbera Corridor, waxaanu sheegay inay dawladda Somaliya dalbatay inay cod ku yeelato mashruucaas, maadaama oo ay ku doodayso in dhulka Somaliland weli ka tirsanyahay Somaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa wargeyskaas u sheegay inay dawladda Somaliya mararka qaarkood isku deydo inay wiiqdo mucaawinooyinka iyo horumarka Somaliland, “Mararka qaarkood dawladda Muqdisho waxay isku daydaa inay dhibaato abuurto, marka ay timaado mucaawinada iyo horumarka Somaliland, xataa iyadoo shirkii ugu dambeeyay ee Djibouti ka dhacay la isku raacay in siyaasadda laga ilaaliyo horumarka .” ayuu yidhi Wasiir Sacad Cali Shire.

Xigasho Geeska Afrika