“Dawladda Somaliland waxa ay ka digaysaa in maamulka Muqdisho khatar amni-darro iyo qalalaase hor leh ka abuuro manqada Geeska Afrika”

Golaha Wasiirada Somaliland
Golaha Wasiirada Somaliland
Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa maamulka Soomaaliya uga digtay wax ay ku tilmaantay ‘Faro-gelin siyaasadeed iyo Dagaal Qaawan’ oo ay ku hayso Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanay beesha caalamka ugu baaqday inay ka marag-kacdo inaanay dowladda Soomaaliya ogolayn wada-xaajood dhex-mara labada dhinac.
Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Somaliland oo Khamiista maanta ku qabsoomay Qasriga Madaxtooyada oo uu shir-guddoominayey madaxweyne ku-xigeen Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa lagu sheegay,  “Golaha Wasiirradu waxa ay fariin adag u dirayaan maamulka Muqdisho oo marwalba ku foogan dagaal joogto ah oo ay ku wadaan dalka Somaliland, taasi oo muujinaysa cadaawada iyo colaada ay u hayaan shacabka Somaliland.
Golaha Wasiirada Somaliland
Golaha Wasiirada Somaliland
Xukuumadda Somaliland waxay beesha caalamka ugu baaqaysaa dal aan awoodin doorasho dadweyne oo caalamku u dhisay dawladdo badan oo fashilmay ta maanta joogtaana aanay meelna udhaafsanayn inaan la barbar-dhigin Jamhuuriyadda Somaliland oo ay ka jirto dimuquraadiyad kala dambayn iyo doorashooyin xor iyo xalaal ah ayna ka qabsoomeen lix doorasho, adduun weynuhuna ka marag kacayo, inay Somaliland ka go’an tahay iskaashiga, horumarka iyo xasiloonida adduunka. Haddaba Jamhuuriyadda Somaliland waxay marwalba diyaar u tahay in fagaare caalamiya loogu garnaqo Maamulka Xamar, balse taa waxa burisay shirkii Kenya ee ay ka baaqdeen, beesha caalamkuna goob joog ka ahayd.” Sidaas ayaa lagu yidhi Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxtooyada Maxamuud Warsame Jaamac.
Waxa kale oo war-saxaafadeedka lagu yidhi, “Dawladda Somaliland waxa ay ka digaysaa in maamulka muqdisho khatar amni darro iyo qalalaase hor leh ka abuuro manqada geeska afrika oo leh sooyaal taariikh colaadeed oo dheer.
Ugu dambeyn, goluhu wuxu shacabweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku baraarujinayaa inay u diyaar garoobaan difaaca qarankooda.”