Dawladda Somalia oo Al-shabaab ku eedeysay siddeed oday oo lagu dilay Baay iyo ururka oo iska fogeeyey

Somalia(SLPOST)Ururka Al-shabaab ayaa iska fogeeyey ku lug lahaanshaha dilka siddeed oday oo maqribkii xalay lagu dilay meel ku dhow magaalada Buur-hakabo ee gobolka Baay, odoyaashaas ayaa u socday Muqdisho iyo shabeeladda hoose.

 

Ururka ayaa qoraal soo dhigeen barahooda internetka waxay ku sheegeen in aysan iyagu ka dambayn dilka, taas bedelkeeda waxay ku tilmaameen mid salka ku haysa siyaasadda is diidan ee ka jirta Baydhabo.

Siddeeda oday ee la dilay ayaa ka tegay xaruunta gobolka Baay ee Baydhabo, waxayna ka soo jeedeen gobolka shabeeladda hoose, sida aan wararka ku halayno.

In ka badan sanad ayey joogeen baydhabo waxay qayb lixaadle ka noqdeen dhismaha maamulka lixda gobol ee koonfur galbeed la yiraahdo, balse aan weli aqoonsiga helin.

Taliyaha ciidamada dowladda Soomaaliya ee gobolka Baay Col. Mahad Cabdiraxmaan oo u waramay idaacada VOA, wuxuu sheegay in weerarku ahaa mid qorshaysan oo ay ka dambaysay kooxda Al-shabaab.

“Ma jirto cid aan Al-shabaab ahayn oo wax disha xiligan la joogo, waa laga soo gudbay dilkii la isu geysan jiray ee sidan oo kale u dhici jiray.” Ayuu yiri Col. Mahad

Deegaanka Jameeco oo dilku ka dhacay wuxuu 15km u jiraa Buur-xakabo oo 90 km dhanka Muqdisho ka xigta magaalada Baydhabo.

Ma jirto cid rasmi ah loo aqoonsan yahay in ay ka dambeeyeen dilka odoyaasha dhaqanka ee la laaleyey, gobolka Baay waxaa ka jira xiisado siyaasaddeed oo salka ku haya dhisme maamul iyo kuwa dagaal oo u dhexeeya Al-shabaab iyo AMISOM oo taageeraysa dowladda dhexe.