Dawladda Milateriga Ah Ee Masar Oo Dal-dashay Lix Qof Iyo Sababaha Dilkooda

Qaahira, (SLpost)- Dawladda Masar ayaa sheegtay inay dil dal-dalaad ah  ku fulisay lix qof oo lagu eedeeyay xag-jirnimo, dhammaantood waxay ka mid ahaayeen urur hormood u ah dadka jihad-doon ka ah ee dalkaas.sisimurashax

dadkan ayaa lagu helay dembi ah inay weerar gaadmo ah ku qaadeen laba baabuur oo ciidan, kuwaasoo ay ku dhinteen laba askari, bishii saddexaad ee sanadkii la soo dhaafay.

Kooxda ay raggani ka mid ahaayeen ee, Ansar Bayt al-Maqdis, waxay sheegeen inay la midoobeen ururka Daacish.

Ciidammada dawladda Masar waxay weeraro iyo qaraxyo kala kulmaan kooxo ka soo horjeeda oo ku dhuumaalaysta agagaarka Sinai.

Labadii bishii afraad ee sanadkan Ilo ka tirsan laamaha ammaanka ee Masar ayaa sheegay in shan iyo toban askari iyo laba shacab ahi ay ku dhinteen weerar lagu qaaday bar kontrool oo ku taala magaalada Sheekh Zuweid

Dawladdu waxay aagaasi ka wadaa hawlo ay ku xaqiijinayso ammaanka goobahaasi.

Laakiin sanadkan oo qudha tiro ciidammo iyo shacab isugu jira ayaa ku geeriyooday waqooyiga Sinai

 

Somalilandpost.net