Dawladda Kenya oo shaqada ka caydhisay 25 Kun oo Shaqaale ka ahaa Cusbitaallada dawladda

Nairobi, 09 March, 2012 (SLpost)- Dawladda Kenya ayaa sheegtay inay shaqada ka caydhisay 25,000 kun oo shaqaalaha caafimaadka ee ka shaqeeya Cusbitaallada dawladda, ka dib markii ay ku jireen toddobaad shaqo joojin ay ku doonayaan in loo kordhiyo mushaarka.

Masuuliyiinta dawladda ayaa sheegay shaqaalaha laga caydhiyay shaqada oo ay ku jiraan Kalkaaliyayaal caafimaad iyo shaqaalaha ka shaqeeya laababka lagu baadho cudurada, in shaqadoodii la siinayo dad kale.

Ururka shaqaalaha caafimaadka ee Kenya ayaa sheegay inay dawladda rabto inay wadahadal la gasho shaqaalaha oo aanay awoodin inay dad kale hesho. Shaqaalaha ayaa ku eedeynaya dawladda in la siiyo lacag yar iyo xaalada ay ku shaqeeyaan oo adag, iyadoo aanay haysan qalab shaqalahana ay ku yar yihiin iyadoo haatan ay dawlada Kenya ay ku dhawaaqday inay dhammaan shaqaalaha ay bayaamisay ay shaqada ka eriday.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net