Dhegeyso:Dawladda Kenya oo Markii Labaad Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Dalkaas u soo Dirtay Somaliland

Hargaysa(SLpost)Wefti ka socda Baarlamaanka iyo dawladda Kenya ayaa socdaal shaqo ku yimid dalka Maanta ,waxaana madaarka ku soo dhaweeyay xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiiladda Somaliland oo uu horkacayay Xildhibaan Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle. Xildhibaan Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle oo ka hadlay weftigan ayaa sheegay in socdaalkoodu la xidhiidho sidii loo sii adkayn lahaa xidhiidhka ka dhaxeeya Somaliland iyo Kenya, isla markaana uu qaadan doonto booqashadoodu muddo sadex maalmood ah isla markaana ay booqan doonaan qaar ka mid ah magaalooyinka dalka,kulamana la yeelan doonaan Madaxweynaha Somaliland iyo masuuliyiin kale oo ka mid ah Goleyaasha qaranka.

 

 

Hoos ka dhageyso

 

https://somalilandpost.net/wp-content/uploads/2013/11/Waftigii-Cod.mp3

Somalilandpost.net

Hargaysa