Dawladda Jabuuti oo faahfaahisey Khasaaraha Qaraxyo Xalay gil-gilay Caasimadda dalkaas iyo Madaxweyne Geelle oo kulan deg-deg ah isugu yeedhay Golaha Nabad-gelyada

Djibouti (SLpost)- Dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa ka hadashay khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay Qaraxyo xalay fiidnimadii gil-gilay xarunta dalkaas ee Jabuuti, waxaanay sheegtay inay qaraxaas ka dambeeyeen naftood hurayaal isku qarxiyey mid ka mid ah Hoteellada dadka Ajaanibka hi ku badan ee badhtamaha magaalada Jabuuti.

Dawladda Jabuuti oo faahfaahisey Khasaaraha Qaraxyo Xalay gil-gilay Caasimadda dalkaas iyo Madaxweyne Geelle oo kulan deg-deg ah isugu yeedhay Golaha Nabad-gelyadaWasiirka Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Jabuuti Xasan Cumar Maxamed, ayaa sheegay inay qaraxaas ku geeriyoodeen saddex qof oo laba ka mid ah loo malaynayo inay yihiin kuwii is-qarxiyey, halka qof saddexaad oo u dhashay dalka Turkiga uu ka mid ahaa shaqaalaha ka hawl-galayay Hoteelkaas.

Shan iyo toban qof oo dhammaantood Ajaanibka, ayaa dhaawacyo kala duwan ka soo gaadheen qaraxaas, kuwaas oo Todoba ka mid ah u dhasheen dalka Faransiiska, Afar qof Carruur iyo haweenay isugu jirayna u dasheen dalka Jarmalka, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Djibouti.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa kulan albaabadu u xidhanaayeen Aqalka madaxtooyada kula qaatay Golaha Nabad-gelyada ee dalkaas oo ka kooban xubno wasiirro ah iyo taliyeyaasha ciidamada kala duwan ee Jamhuuriyadda Jabuuti, waxaana kulankaas lagaga hadlay xaaladda ammaanka iyo sidii looga hortagi lahaa khatarta kaga iman karta Kooxaha Xagjirka ah ee falalka amni-darro ka fulin kara dalkooda.

HALKAN KA DAAWO

 

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net