Dawladda Itoobiya oo Dirqi kaga Badbaadday Duullaan Kooxda Al-Shabaab ku hayso Dalalka iidamadu ka joogaan Soomaaliya

Addis Ababa (SLpost)- Ciidamada Booliska Federaalka iyo kuwa la-dagaalanka Argagaxisada ee Dawladda Itoobiya, ayaa fashiliyey isla markaana gacanta ku dhigayNin Soomaali ah oo damacsanaa inuu weerar is-miidaamin ah ka fuliyo gudaha magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalkaas.

Ethiopian Federal Police UnitSida lagu baahiyey wargeyska Walta oo soo xignaya masuul ka tirsan hay’adaha ammaanka Itoobiya, ninka gacanta lagu sheegay oo qirtay inuu ka tirsan yahay Kooxda Al-Shabaab oo xeryahooda Soomaaliya ku yaala lagu soo tabobaray, ayaa qorshaynayey weerarro argagaxiso oo uu damacsanaa inuu ka fuliyo Itoobiya.

Dawladda Itoobiya, ayaa ka mid ah waddamada Ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ee hoos-taga hawl-gallada xooggaga AMISOM ee nabad-ilaalinta u jooga dalkaas.

Maleeshiyaadka Al Shabaab oo muddooyinkii u dambeeyey ku hanjabayey weerarro ka geysan doonaan dhamaan waddamada ciidamo ka joogaan Soomaaliya, ayaa hore ugu guulaystay inay weerarro is-miidaan ah ka fuliyaan dalalka Kenya, Yugandha, iyo Jabuuti oo dhammaantood ciidamo ka joogaan gudaha Soomaaliya.

Sannadkii hore, laba qof ooSoomaali ah ayaa ku dhintay miinooyin ay damacsanaayeen inay qaraxyo kaga fuliyaan garoonka ciyaaraha Addis Ababa oo lagu qabanaya Kulan ka mid tartanka Koobta Qaramada Afrika oo ku wada ciyaarayeen xulalka dalalka Itoobiya iyo Nayjeeriya, waxaanay dhacdadaasi keentay in shan Soomaali ah loo xidho.

Sida ay baahiysay WALTA, Ciidamada Ammaanka ee magaalada Addis Ababa, ayaa sheegay inay xiddidada u saareen gabbood xubnod ka tirsan Al-shabaab ku lahaayeen magaalada Addis Ababa, waxaanay shacabka magaalada ugu baaqeen inay feejignaadaan, isla markaana ay degdeg ula socodsiiyaan waxii ay ka shakiyaan ciidamada ammaanka.

 

SOMALILANDPOST.NET