Dawladda Ingiriiska oo Shaacisay Fursadaha Somaliland uga bannaan Shirka London iyo Sababta ku soo beegtay in wakhtigan Shir loo qabto Soomaalida

Nairobi, 05 February, 2012 (SLpost)- Wasiirka dawladda Ingiriiska u qaabbilsan arrimaha Afrika, Henry Bellingham, ayaa faahfaahin ka bixiyey muhiimadda uu Somaliland u leeyahay shirka ay dawladdiisu gadh-wadeenka ka tahay isaga oo waliba Xogo dheeraad ah ka bixiyey Ajandayaasha shirka dabayaaqada bishan ka dhacaya magaalada London.

Wasiir Henry Bellinghamwaxa uu sheegay inay dawladda Ingiriisku ay cusboonaysiisay ku lug-lahaanshaha arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan si xal loogu helo dhibaatooyinka soo jiitamayay muddada labaatanka sano ah.

Mr. Henry waxa kale oo uu sheegay inay shirkan ka soo bixi doonaan fursado lagu caawiyo Somaliland iyo waliba maamul-goboleedka Puntland, isaga oo tilmaamay in si weyn loogu rejo weyn yahay in wada-jir looga shaqayn doono hirgelinta qorsheyaasha ka bixi doona shirkan.

Mr. Bellingham oo ka hadlaya farqiga u dhexeeya shirkan London iyo shirarkii hore ee Soomaaliya loo qaban jiray ilaa sannadkii 1991kii, waxa uu ku sababeeyey in shirkan uu wax weyn kaga beddelan yahay, isagoo xusay in shirkani uu yahay mid dalal badan lagu casuumay, si dhab ahna diiradda loogu saarayo dhibaatada ka jirta Soomaaliya.

“Waxaan rejeynayaa in shirkan qodobbada ka soo baxa ay ka mid noqdaan in taageero loo fidiyo ciidammada AMSIOM, kuwa dowladda KMG ah iyo hay’adaha cadaaladda. Sidoo kale waxaa ka mid noqon doona in beesha caalamku ay si guud ula shaqeyso Soomaaliya oo dhan.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka arrimaha Afrika ee dalka Ingiriiska, Henry Bellingham. Waxaanu hadalkiisa ku sii daray: “Waxaan rejo ka qabnaa in meel looga soo wada-jeesto Budhcad-badeedda iyo argagaxisada.”

Sidoo kale, waxa la weydiiyay waxa xilligan beddelay Ingiriiska oo aan muhiimad siin jirin xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya labaatankii sano ee colaaduhu jireen, waxaanu ku jawaabay: “Dowladda Britain qaybteeda ayay ka qaadaatay gacan ka geysashada dhibaatada haysata shacabka Soomaaliyeed, dhibaatada jirtana si toosa ayay noo saameysay. UK waxay ku bixisay gargaarka bani’aadmanimo ee Soomaaliya 90-milyan oo Doollar. Shirka lagu qabanayo Londona waa mid lagu doonayo in bulshada calaamku ay indhahooda u jeediyaan dhinaca Soomaaliya.”

Mar la weydiiayay qaabka ay kusoo xusheen xubnaha shirka London ka qaybgalaya ayuu sheegay inay shirka ku casuumeen dhammaan saxiixayaashii Roadmap-ka; “Sida DKMG ah, Puntland, Galmudug iyo Ahlusunna, sidoo kalena lagu casuumay Madaxweynaha Somaliland.” Ayuu yidhi Wasiirku.
Mr. Bellingham ayaa la weydiiyay su’aal ahayd: Sida aad ogtahay Soomaalida qurbo-joogta ah sida bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Ingiriiska, ururrada bulshada rayidka iyo NGO-yada gudaha oo kaalin muhiima ka ciyaara xalaadda Soomaaliya ma ku casuunteen shirka Lodnon? wuxuu ku jawaabay: “Shirkani waa mid ku saabsan wada-shaqeyn dhex-marta beesha calaamka, waxaana lagu casuumay Xukuumadda iyo maamullada kale.”

Wasiirka Britain ee Afrika ayaa wuxuu intaas ku daray in golaha Wasiirrada Ingiriisku ay qabanayaan kulammo isdaba-joog ah oo ay kaga dhageysanayaan bulshada rayidka ah iyo hoggaamiyeyaasha qurbo-joogta Soomaalida fikirkooda ku aaddan shirka iyo weliba ajandayaashiisa. Sidoo kale, wuxuu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay kala socon doonaan qabanqaabada shirka iyo ajandayaashiisa barta Internet-ka ee: www.ukinsomalia.fco.gov.uk ama barta facebook-ga www.facebook.com/ukinsomalia iyo weliba barta Twitter-ka ee hashtag #LDNSomalia. Barahaas ayuu sheegay inay dadku fikradahooda kusoo gudbin karaan.

Dhanka kale, su’aal la weydiiyay oo ahayd fikirkooda ku aaddan xorriyadda, midnimada, xuduudaha iyo madax-bannaanida siyaasadeed ee Soomaalida? ayuu kaga jawaabay: “Waxaan rejeynayaa shirkan inuu noqon doono mid lagu mideeyo howsha calaamka ee ku wajahan Soomaaliya, laakiin waxaan rumeysannahay in Soomaalida oo keliya ay xallin karaan dhibaatadooda, waana taas sababta aan ugu baahannahay in Soomaaliya loo helo dowlad joogto ah oo caawisa shacabkeeda.”

Wasiirku wuxuu hadalkiisa raaciyay inay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan madaxda Soomaalida ee xilligan jira iyo kuwa imaan doona marka uu dhammaado xilliga Ku-meel-gaadhka ah ee dawladda Soomaaliya oo ku eg bisha Ogoosto ee sannadkan, isagoo xusay in taageeradoodu ay tahay mid ay ku doonayaan in la helo nabad iyo dowlad u shaqeysa dadka. Waxaanu xusay in Ingiriisku ay aqoosan tahay madax-bannaanida Soomaaliya.

Su’aal kale oo Wasiirka la weydiiyay ayaa waxay ahayd: Inaanay macquul noqon karin in Al-shabaab iyo Budhcad-badeedda laga adkaado iyadoo aan la helin ciidammo Soomaali ah oo awood leh, Ingiriiska qorshaha ma ugu jirtaa in dib loo dhiso haya’daha ammaanka Soomaaliya? waxaanu ku jawaabay: “Waan kugu taageersanahay taas, sidoo kale ciidamada AMISOM oo la xoojiyo. shirka qodobbada lagaga hadlayo kuwooda ugu sarreeya waxaa ka mid ah sidii calaamku taageero uga geysan lahaa xoojinta hay’adaha ammaanka iyo cadaaladda Soomaaliya.”

Ugu dambeyn Wasiirka arrimaha Afrika ee Ingiriiska waxaa la weydiiyay su’aal ahayd: Maxay tahay farriinta aad u dirayso shacabka Soomaaliyeed ee ku saabsan shirka London? Waxaanu yidhi; “Innagoo meesha wanaagsan wax ka eegayna, waxaan ognahay in dhibaatada Soomaaliya ay tahay mid isku qasan, hal habeenna laguma xallin karo. Waxaan doonaynaa inaannu dhisno taageero ay kawada shaqeeyaan Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo ururrada kale. Sidoo kale waxaan doonaynaa in Soomaalida dib u dhiska laga taageero, waayo? Taasi waa fursad qaali ah oo horteenna taalla.”

HiiraanOnline