Dawladda Ingiriiska oo Ka hadashay Daba-gal ay ku samaysay natiijadii Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya iyo Mawqifkooda Aqoonsiga

London (SLpost)- Dawladda Ingiriiska, ayaa shaaca ka qaadday inay Dawladda Somaliya kala hadleen baahida loo qabo xal kama dambays ah oo laga gaadho wada-xaajoodka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.

Aqalka Odayaasha ee Ingiriiska oo shalay warbixin la xidhiidha siyaasadda dibadda iyo mucaawimooyinka dalkaasi siiyo waddamada soo-koraya ka dhegaysanayay guddiga Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka dalkaas, ayaa lagu soo qaaday haddii uu jiro wax daba-gal ah oo xukuumadda Ingirisku ku samaysay wada-hadalladii dhexmaray labada dal.

Doodda Aqalka Odayaasha IngiriiskaMudane ka tirsan Xisbiga Liberal Democrats oo ah labada xisbi ee ay ka kooban tahay dawladda Wadaagga ah ee Ingiriisku, ayaa guddiga Arrimaha dibadda iyo Barwaaqo Sooranka ee Aqalkaas wax ka weydiiyey natiijada daba-gal iyo qiimayn Xukuumadda Ingiriisku ku samaysay wada-hadallada Somaliland iyo Somaliya.

Waxa kale oo kulanka shalay ee Baarlamanka Ingiriiska lagu soo qaaday arrimo la xidhiidha taageerada dhaqaalaha ee Ingiriisku ku taakuleeyo Somaliland iyo waliba qaabka loo maamulayo sanduuq Dhaqaale oo dawladda Ingiriisku xubin ka tahay,  waxaana halkaas laga sheegay in lacagta sanduuqa horumarinta Somaliland ay go’aan ka gaadhaan qaadhaan-bixiyeyaasha iyo guddida Qorsheynta qaranku intaan lagu fulin mashaariic muhiimada koowaad leh.

Lord Chidgey oo ka tirsan xisbiga Liberal Democrat ayaa guddiga Arrimaha Dibadda iyo Barwaaqo-Sooranka weydiiyey doorka Xukuumadda Ingiriisku ku leedahay wada-hadallada Somaliland iyo Somaliya.

Waxaana su’aashaas ka jawaabtay haweenay lagu magacaabo Sayeeda Warsi oo ka tirsan Xisbiga Conservative-ka ee Reysal-wasaare David Cameroon, isla markaana Aqalka Odayaasha u qaabilsan Arrimaha Dibedda iyo Barwaaqo-sooranka.

Sayeeda Warsi waxa ay ku jawaabtay, “Xukuumada Ingiriisku waxay u aragtaa inay u taalo Somaliland iyo Soomaaliya go’aan ka gaadhitaanka xidhiidhkooda mustaqbalka, isla markaana, wadamada jaarka ee gobolku bilaabaan aqoonsiga waxa ka soo baxa, Marka laga yimaado shirkii London 2012 ee Muhiimadii beesha caalamku u aragtay taageerida wada xaajood Somaliland iyo Soomaaliya ka yeeshaan caddeynta xidhiidhkooda mustaqbalka,” ayey tidhi Mrs Warsi.

Xildhibaan Warsi oo wax laga weydiiyey natiijada kulan todobaadkan magaalada Addis Ababa ku dhexmaray Wasiirka Afrika u qaabilsan Ingiriiska Mark Simmonds iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, waxaanay tidhi iyada oo su’aashan ka jawaabaysay, “Mr. Simmonds wuu la soo qaaday muhiimada ay leedahay xal kama dambays ah iyo go’aan labada dhinac isla ogolyihiin oo laga gaadho wada xaajoodka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.”

Xildhibaan Chidgey waxa kale oo uu Guddiga weydiiyey tallaabada xukuumada Ingiriisku uga qorshayn ka-midho dhalinta taageerada Sanduuqa Horumarinta Somaliland, loona horumarin lahaa hay’adaha dawlada iyo sidii Somaliland u gaadhi lahayd yoolkeeda qarniga ee dabargoynta faqriga iyo gaajada.

Waxaana jawaabta su’aasha qaadata Xildhibaan Northover oo guddigan ka tirsan.

“Sanduuqa Horumarinta Somaliland waa gargaar caalami ah oo ay taageeraan waddamada Denmark, Norway iyo Ingiriiska. Muhiimadiisu waa taageerida dhinacyada biyaha, xoolaha, waddooyinka iyo deegaanka. Waxaana isla go’aamiyaa mashaariicda lagu fulinayo qaadhaan-bixiyeyaasha iyo guddiga Qorsheynta ee loo sameeyey. Hawshani waxay sidoo kale awoodsiisay kaalinta iyo waxqabadka koomiishanka qorsheynta qaranka laftooda,” ayey tidhi Mrs Northover.

Qodobbada khuseeya arrimaha Soomaalida ee shalay lagu soo qaaday fadhiga Aqalka Odayaasha Ingiriiska, ayaa soo if-bixisay sida dawladda Ingiriisku u danaynayso natiijo wax ku ool ah oo laga gaadho wada-hadallada labada waddan, iyada oo sidoo kale iftiiminaysa doorka aan muuqan ee Ingiriisku ku leeyahay geeddi-socodka wada-hadallada, tan iyo wixii ka dambeeyey kulankii ugu horreyey ee labada waddan ku bilaabeen wada-xaajood oo dawladda Ingiriisku marti-gelisay.

XIGASHO: Wargeyska HIMILO