Dawladda Ingiriiska oo jawaab ka bixisay Mawqif Midaysan oo Somaliland kaga dareen-celisay Baaq ka soo Yeedhay Midowga Yurub iyo Maraykanka

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland iyo Dawladda Ingiriiska, ayaa kulan maanta ka dhacay magaalada Hargeysa kaga wada-hadlay arrimo khuseeya ilaalinta ammaanka mandaqadda Geeska Afrika iyo Xaaladaha ka soo cusboonaaday deegaamada Bariga Somaliland oo dhowaan dagaallo ku dhex-mareen ciidanka Qaranka iyo Kooxda la baxday Khaatumo.

IMG_0068Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Xafiiskiisa magaalada Hargeysa ku qaabiley wefti ka socda Dawladda Ingiriiska oo uu hoggaaminayey ku-xigeenka safaaradda Ingiriisku ku leeyahay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, Chris Allen, waxaanay ka wada-hadleen arrimo ay ka mid yihiin dejinta xaaladda Taleex iyo muranka Maamul-goboleedka Puntland gelinayo xuduudaha Somaliland iyo Soomaaliya oo uu Ingiriiska laftiisu jeexay.

Madaxweynaha Somaliland waxa kulanka ku weheliyey Wasiirrada Gaashaandhigga, Madaxtooyada, Arrimaha dibedda iyo xubno kale.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo Ambassador Chris Allen oo kulankaas ka dib warbaahinta la hadlay, ayaa tafaasiil ka bixiyey waxyaabaha labada dhinac ka wada-hadleen.

Wasiirka Arrimaha Dibaddu waxa uu sheegay inay xukuumad ahaan dawladda Ingiriiska u caddeeyeen mawqifkooda ilaalinta nabad-gelyada iyo rabitaanka Shacabka Somaliland, isla markaana ay xaq u leeyihiin inay ilaalinta sugnaanta xuduudaha dalkooda.

Socdaalka Safiir ku-xigeenka Ingiriisku ku yimi Somaliland, ayaa daba-socda ka dib markii Xukuumadda, Goleyaasha Sharci-dejinta iyo Axsaabta Qaranka ay go’aan mideysan jawaab kaga bixiyeen Maraykanka, Ingiriiska iyo Midowga Yurub ugu jeediyeen Somaliland inay ciidamada kala soo baxdo deegaamada Bariga gobolka Sanaag.

Dhawaaqa Midaysan ee Somaliland ka bixisay baaqa beesha Caalamka, ayaa dawladda Ingiriisku kaga jawaab-celisay socdaalka safiir ku-xigeenka Safaarradda Ingiriiska ee Addis Ababa maanta ku yimi Hargeysa, kaas oo ujeeddadiisu tahay sidii ay ugu qanciyeen Xukuumadda Somaliland in baaqaas ay dawladda Ingiriisku qaybta ka ahayd ahayn mid la xidhiidha arrimo siyaasadeed balse ay tahay mid dawladda Ingiriisku sababta ay u danaynaysaa tahay nabad-gelyo iyo xasilooni ka jirta mandaqadda Geeska Afrika, sida uu sheegay Safiir ku-xigeenka Ingiriiska ee safaaradda Addis Ababa, Ambassador Chris Allen.

Safiir Ku-xigeenka Safaaradda Britain ku leedahay magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Ethiopia, Danjire Chris Allen, in dawaladda Ingiriisku si xooggan u danaynayso xasilooni iyo deggenaansho ka tisqaada gobolka, kulanka uu madaxweynaha Somaliland la yeeshayna lagu faaqiday arrimo khuseeya deggenaanshaha mandaqadda, isla markaana ay labadooda dhinacba isla qaateen muhiimadda ay taasi leedahay.

 

HALKAN KA DHEGAYSO HADALKA WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA SOMALILAND

SOMALILANDPOST.NET