Dawladda Hoose ee wakhtigeedii dhamaaday oo shan istaan oo suuqa GOBONIMO ah dadka iibinaysa,Dawlada dhexe oo iyana ku daawanaysa,

Magaalada Hargeysa  ayaa dhawr iyo tobankii sano ee u danbeeye si xawli ah uu u kordhay dhismaheeda guud ahaan shanta degmo ee ay ka koobantahay,korodhkaas ay korodhey magaaladu ayaa waxaa iyana garab socotay baahida goobaha adeega bulshada ee muhiimka u ah in bulsho hesho,sida Garoomada ciyaaraha kala duwan,sariimadaha istaamada baarbuurta ka baxaan gudaha magaalada iyo kuwa debada kakeena waxyaabaha daruuriga u ah nolosha magaalada sida khudaarta kala duwan. Caanaha iyo gaadiidka ukala goosha gobolada,dagmooyinka iyo goobaha miyiga ah,

Baahiyahaa aan soo sheegnay ayaanay jirin wax ay kaqabatay dawlada hoose in ay sii kala dhantaasho mooyee walaw hadana ay tahay hay,ada masuuliyadeeda iska leh,marka laga reebo goobo dadku sidooda u maalgashadeen sida suuqa gobonimo,

suuqa gobonimo ayaa ah midka mida suuqyada ugu balaadhan magaalada hargeysa ,kaas oo ah isha ugu weyn ee ay magaalada kasoo galaan CAANAHA ,IYO KHUDAARTA,ta dalka iyo tan laga keeno dalka aynu jaarka nahay ee somaliya gaar ahaan (Muuska) dhanka kalana suuqa waxaa ku yaal istaamada ay ka baxaan gawaadhida Gobolada galbeedka iyo Dalka Etoobiya sida magaalooyinka Hartasheekha, Awbare,iyo Wajaale. Hadaba tiiyoo uu suuqu leeyahay baahiya baaxadaa leh ayaa ay dhawaan maamulka  dawlada hoose ee wakhtigoodii dhamaadey  bilawday,  in goobihii baabuurtu ka baxayeen dhismayaal ka bilaabaan taas oo meesha ka saaraysa barxadihii baarbuurtu istaagi jireen rarkoodana ay ku dajin jireen,dhismahan ay dawlada hoose bilawday ayaa ay dad kaga qaadatay lacago gaadhay, ($ 400,000) iyadoo qorshaysay in ay ka bilawdo ilaa 200 oo Guri tiiyoo aan loo eegayn meeshani ma u baahanthay in dhisme laga dhiso,marka loo eego dhismayaashii hore oo qaarkood wajahado xumo u xidhanyihiin cidina aanay galin ilaa hada dadkana lacagihii kaga khasaareen, Laakiin maamulka dawlada hoose waxay u muuqataa mid aan eegayn danta dadka ya shaqada u hayaan.

Ficilada dawlada hoose ku doonayso in ay baarbuurta khudrada iyo caanaha keena iyo kuwa ukala socda gobolada ay kaga saarto meesha  ayaa falcelintii dadku noqotay in ay kala horyimadaan diidmo aya kasoo horjeedaan in laga barabixiyo goobaha ay ka rakaabsadaan ama ay kusoo rogaan badeecadhaha ay sidaan.taas oo sababtay in dadku kala hortagaan dhagxaan si loo dhageysto weedhooda,

Dawalada dhexe ayaan iyadu xog ogaal badan uhayn wax meeshaas ka socda soona baraarugta marka dadku gadoodaan cadhaduna ka tan badato loona adeegsado xooga ciidanka POLICE-ka taas oo dadku kala kulmaan dhibaatooyin sidoo kalana POLICE-ka Laftooda ay kasoo gaadho dhibaato iska caabintaa shacabka,

Dhacdooyinka noocan ah ayaa ah kuwo kusoo kordhaya magaalada waxaana u sababa Qorshe la aan baahsan oo dawlda hoose ku habsatay iyo aradnaan xaga adeegyada bulshda ah oo sii kordhaya,

Waxaana haboon in ay arimahan soo faro galiso xukuumada dhexe si loo hibiyo loo lana socdo qorsha saxda ah iyo ka dhibaato soo kordhinaya,

Cabdiraxmaan cali-nur cabdi

Hargeisa, 26 June

tell: 4410794