Dawladda Hoose ee Hargeysa Oo shacbi-weynaha Caasmadda ku dhaliilay qaabka ay u bixiyaan Cashuuraha Ku waajibay

Sawirkan gacantayda ayaan ku soo qaaday, 19/4/2013.Jimce/hargeysa!

Hargeysa (SLpost)-Gudida dhaqaalaha dawlada hoose ee caasimada Hargaysa ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen maanta xaruntooda waxay bulshada ugu soo jeediyeen in ay soo xereeyaan wixii cashuuro ah ee ku waajibay inta ka horaysa dhammaadka sanadkan.
Guddoomiyaha gudida dhaqaalaha Golaha deegaanka ee caasimada Hargaysa xildhibaan Maxamed Aw Aaden-Wayrax oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in bulshada ku dhaqan caasimadu aanay sidii loogu tallo galay u wada bixin cashuuraha dawlada hoose ee ku waajibay, waxaana xildhibaan wayraxu u jeediyay bulshada ku dhaqan magaalada hargaysa in cashuuraha dawlada hoose ay waqtigooda kun bixiyaan , isaga oo tilmaamay in taasi sahlayso in adeega dawlda hoose ay uga baahanyihiin si haboon loogu fuliyo bulshada.

Sawirkan gacantayda ayaan ku soo qaaday, 19/4/2013.Jimce/hargeysa!
Sawirkan gacantayda ayaan ku soo qaaday, 19/4/2013.Jimce/hargeysa!

Guddoomiyaha Gudida dhaqaalaha ee golaha degaanka caasimada Xildhibaan MaxamedAw Aadan Wayrax waxa uu intaa ku daray in cidii soo xarayn wayda cashuurta ku waajibatay la saari doono ganaax la xidhiidha dib u dhaca ay ku sameeyeen cashuurta iy dakhliga dawlada hoose.
Xildhibaan wayrax Waxa uu ugu baaqay mulkiilayaasha deyrarka caasimada iyo seesaska in ay soo bixiyaan cashuurta lagu leeayay.
Xildhibaan Cismaan Xasan Faarax (Cismaan Waxar) oo isna ka hadlay shirkaa jaraa’id ayaa ka waramay qorshaha miisaaniyada sdawlada hoose ee sanadka 2014 kaas oo uu sheegay in ay ugu jiraan mshaariic horumarineed oo ay wadooyinka caasimada sidaaa daraadeed loo baahan yahay in dadweynuhu ay iska bixiyaan cashuurta ku waajibtay.

SOMALILANDPOST.NET