Dawladda Hoose Ee Hargeysa Oo Fulisey Hawl-gal Lagu Bannaynayo Biyo-mareenno

Hargeysa (SLpost)- Masuuliyiinta iyo shaqaalaha Dawladda Hoose ee Hargeysa ayaa maanta fuliyey olole balaadhan oo lagu bannaynayo qaar ka mid ah biyo-mareenno ay xannibeen roobabka gu’ga ee dhawaan ka curtay caasimadda Somaliland, gaar ahaanna bishan April.

dawladda hoose

Hawl-galkan oo laga fuliyay degmooyinka 26 June, Gacan-libaax, Ibraahin Koodbuur iyo Axmed-Dhagax ayaa waxa hormood u ahaa C/Casiis Maxamed Xaashi, Maayar ku-xigeenka ahna ku-simaha duqa Hargeysa oo ay weheliyaan madaxa Engineerada Dawladda Hoose ee Hargeysa Ibraahin Aadan C/Laahi, Xildhibaan C/Laahi Aw Aadan, Agaasimaha Arrimaha Bulshada Khadar Yuusuf Cali, Agaasimeha Dhulka Engineer Xandulle iyo ku-xigeenkiisa Bulayle, Guddoomiyeyaasha labada degmo ee Gacan-libaax iyo Ibraahin Koodbuur Naasir Caydiid iyo Subeer.

Maayar ku-xigeenka Caasimadda Hargeysa ayaa sheegay inay tani bilaw u tahay olole ay ku doonayaan inay wax ka qabtaan dhibaatooyinka jidadka iyo biyo-mareennada ka soo gaadha roobabka gu’ga. Waxa kale oo ay masuuliyiinta iyo shaqaalaha dawladda Hoose ee Hargeysi sameeyeen tallaabo lagaga hortagayo balliga Daami oo laga baqay inuu fatahaaad sameeyo kaddib markii ay biyo xooggani galeen xilli roobaadkan.

dawladda hoose2Dadweynaha ku dhaqan caasimadda ayaa si weyn ugu diirsaday tallaabooyinka wax ku-oolka ah ee ay hirgelisay dawladda Hoose ee Hargeysa labadii maalmood ee u dambeeyay, waana qayb ka mid ah gudashada waajibaadka dawladda Hoose ka saaran caasimadda dalka, sannadihii hore ayaa ay roobabku waxyeello u geysteen qaar ka mid ah jidadka muhiimka ah ee Hargeysa.

Xafiiska Wararka Dawladda Hoose ee Hargeysa