Dawladda Hoose ee Hargeysa oo Baafinaysa Dadka iska leh 48 neef Lo’ ah oo laga Raafay gudaha magaalada (DAAWO)

Hargeysa (SLpost)- Maamulka Dawladda Hoose ee Hargeysa, ayaa olole ay habeen hore ka sameeyeen jidadka faras-magaalaha iyo Suuqyada waaweyn ee Caasimadda ku raafay lo’ ku dhex nool isla markaana habeenkii u hoyata jidadka caasimadda, iyaga oo ka digtay haddii dadka xoolaha iska leh ka waantoobi waayaan xoolaha suuqa lagu sii dhex-daynayo inay dawladda hoose kala wareegi doonto mulkiyaddooda.

DAWOlolaha oo uu hoggaaminayey Agaasimaha Arrimaha Bulshadda ee Dawladda Hoose ee Hargeysa Khadar Yusuf Cali, ayaa habeen hore laga fuliyey suuqyada gobobinimo, Waaheen iyo jidadka magaalada, halkaas laga soo ururiyey in ka badan 40 neef oo lo’ ah, kuwaas oo lagu xereeyey goob dawladda Hoose ugu talo-gashay, halkaas oo lagu haynayo inta ay soo doonanayaan dadkii dhaqashadooda iska leh.

Agaasime Khadar iyo xildhibaannada Golaha deegaanka Hargeysa qaarkood oo shalay warbaabinta kula hadlayey Xero ay ku jiraan in ka badan 40 neef oo lo’ ah, ayaa sheegay in ciddii ku soo doonan wayda bixin wayda ganaaxa lagu soo rogay ay dawladda kala wareegaysa isla markaana neefkii mar labaad la qabto lagu wareejin doono dadka xannuunka dhimirku hayo ee ku jira cisbitaalka Hargeysa.

HALKAN KA DAAWO