Dawladda Hoose ee Boorama oo Badeecado Wakhtigoodu Dhacay ka soo ururiyey Qaar ka mid ah Bakhaarrada Magaalada

Boorama (SLpost)- Dawladda Hoose ee Magaalada Boorame ayaa hawlgallo baadhis ah oo ay ka sameeyeen Meheradaha magaaladaas, waxa ay  ku soo ururiyeen badeecado wakhtigoodii isticmaalku dhacay oo haddana la iibinayey.

Hawl-galkan oo ay samaysay Waaxda Fayo-dhowrka ee Dowladda Hoose, waxa Hormuud ka ahaa Gudoomiyaha Golaha deegaanka ahna Maayarka Boorame Md Cabdiraxmaan Shide Bile oo  ganacsatada meheradahooda laga helay badeecadaha iyo kuwa kaleba uga digay ka ganacsiga badeecadaha dhacay ee isticmaalka wakhtigoodu dhacay, waxaanu sheegay in ciddii ka dhago adeygta baaqooda hawl-galka Dawladda Hoose ay talaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonaan.

“Sidaad aragtaan waxa shaqaalaha dawladda hoose ee magaaladu dukaanno iyo meheradaha magaalada kasoo ururiyeen alaabtaasi wakhtigoodu dhacay ee u badan cuntada, Sharaabka, waxyaalaha la isku qurxiyo iyo xitaa dawooyinka xoolaha,”ayuu yidhi Maayarka Boorame Shide , waxaanu intaas ku daray, “Waxay ganacsato aan iimaan lahayni dadka ka iibinayaan badeecado afar  sano dhacsanaa  oo xitaa ay ku jiraan dawooyinka xoolaha. Xooluhu malaha caqli ay iskaga eegaan dawadaasi inay dhacday iyo inkale. si aan u xoojinno hawlahan waxa waaxda fayodhawrka ee golaha Deegaanka  kala hawl-galay dhakhtar ka socda Cisbitaalka Guud ee Boorama .”

Maayarku waxa uu ganacsatadda u qabtay muddo todobo cisho ah inay ku soo wareejiyaan Raashinka dhacay ee bakhaaradda yaala, isaga oo amar ku bixiyey in ciddii wax ka bedesha taariikhda dhici taanka ay la kulmi doonaan ciqaab adag.

 “Ciddii wax ka beddesha taariikhda dhicitaanka, waxa lala tiigsan doonaa sharciga, ganaax culusna waa la saari doono,”ayuu yidhi Guddoomiye Bile oo si adag ula hadlayey ganacsatada iibisa raashinka dhacay.

Magaalada Boorama ayaa sidan oo kale todobaaddo ka hor looga fuliyey hawl-gallo fayo-dhowrka ah, waxa meheradaha magaaladaas lagaga ururiyey badeecado wakhtigoodu dhacay balse ganacsatadii iibinaysay ay taariikhda dhicitaanka ka beddeleen kuna dhejiyeen mid cusub, waxaanay tallaabadan maanta dabo-socotaa hawl-galkaaas hore u fashilmay oo ganacsato masuuliyad-darro hayso dadka ka iibinayeen Raashin wakhtigiisu dhacay.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net