Dawladda Federaalka Somaliya iyo maamul goboleedka XIBIN & XEEB oo ka wada-hadlaya Mustaqbalka Xasan Xubno Miisaan-culus ku lahaa Al-Shabab oo Firxad ku Galay CADAADO

Muqdisho (SLpost)- Dawladda Soomaaliya ayaa ka hadashay aragtideeda ku aaddan firxadka uu mid ka mid ah maamullada Somaliya ka taliya ugu gacan-galay Xasan Daahir Aweys oo ahaa Xubin ka tirsan Xarakada Al Shabaab ee ka dagaalanta Koofurta Soomaaliya.

Xasan Dahir Aways ayaa habeen hore isaga iyo unug ciidamo ah oo la socotay ay u gacan galeen maamulka badhtamaha Soomaaliya ka dhisan ee Ximin iyo Xeeb, waxaana la sheegay in Xukuumada iyo maamulkaas ay u socdaan wada-hadallo dawladda Muqdisho loogu gacan gallinayo Xasan Daahir Aweys .

Af-hayeenka xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya, Cabdiraxmaan Cumar Yariisow oo ay Idaacada VOA waraysi la yeelatay,  ayaa ku sifeeyey qabashada Xasan Daahir Aweys mid muujinaysa gebo-gebaddii iyo baaba’a kooxda dagaalka ka wada Soomaaliya ee  Al Shabaab.

Eng. Yariisow ayaa tilmaamay in mar walba xukuumadiisa hadaf keedu ahaa sidii ay xal nabadeed iyo miiska wada hadalka ugu soo af-jari lahayd dagaalada iyo mashaqooyinka joogtada ah ee kooxdan xidhiidhka la leh ururka Al-Qaacida ka fuliyaan gudaha Soomaaliya.

Xasan-Daahir-AweysMaxamed Cumar Xagafey oo ah Af hayeenka Maamulka Ximin iyo Xeeb, ayaa caddeeyey in Dawlada Federaalka Somaliya oo uu wakiil ka yahay wasiirka Gaashaandhiga Cabdixakiin Fiqi iyo maamulkoodu ay u socdaan wada-hadallo toos ah, kuwaas oo lagu qaadaa dhigayo qaabkii xukuumada Dhexe ee dalkaas loogu wareejin lahaa Xasan daahir Aweys oo caafimad Qaba.

Xasan Daahir Aweys, Sheekh Mukhtaar Roobow Abu Mansuur iyo xubno kale oo ah garabka ka soo horjeeda Maamulka hoggaamiyaha Al Shabaab ee Axmed Cabdi Godane (Abu Zubayr), ayaa la sheegay inay ka soo firxadeen kadib isku day qabasho oo garabka Godane ku bartilmaameedsanayay xubnahaasi oo ku sugnaa Magaalada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose ee Soomaaliya.

SOMALILANDPOST.NET