Dawladaha Galbeedka Afrika Ka Walaacsan Cudurka EBOLA Oo Ka Dilaacay Guinea

Guinea(SLPOST)Dalalka Galbeedka Qaaradka Afrika ayaa dadaal ugu jira sidii ay uga hortagi lahaayeen cudurka halista ah ee Ebola oo ka dilaacay dalkaasi Guinea.

Ebola_virus_2014-

Cudurkan ayaa illaa iyo hada dilay dad gaaraya 59 ruux oo kasoo jeeda dalka Guinea, wuxuuna cudurkan hada ku fiday dalalka jaarka la ah wadankaasi ee Sierra Leone iyo Liberia.

Dalka Liberia ayaa sheegay in ay illa iyo hada hayaan 8 qof oo cudurkaasi ku dhacay , kuwaasi oo ka yimid dalkaasi Guinea. Shan kamid ah dadkaasi ayaa hada la sheegay inay geeriyoodeen.

Sidoo kale dalka Sierra Leone ayaa guddi heer qaran ah u saaray ka hortagida cudurkan Ebola.

Soomaaliya & AMISOM

Qaar kamid ah Ciidamada AMISOM ee ku sugan dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Kismaayo ayaa kasoo jeeda dalka Sierra Leone, illaa iyo hada hogaanka AMISOM kama hadlin in wax cabsi ah ka jirto in ciidamadaasi ay dalka Soomaaliya ku faafin karaan cudurkan iyo in kale.

Shacabka dalalka Sierra Leone, Liberia iyo Guinea ayaa loo bilaabay olole wacyi gelin ah oo loogu sheegayo inaysan gacmaha iska Salaamin ama istaaban si looga hortago faafida cudurkan oo kamid ah cudurada ugu khatarsan dunnida ee sida deg degta leh dadka ku dila.

Cudurka Ebola ayaa markiisii ugu horeysay laga helay dalka Congo (Zaire) sanadkii 1976dii, qofka uu cudurkan ku dhaca ayaa waxaa lagu gartaa dhiig-bax gudaha ah iyo dibada ah, shuban iyo matag. Waxaana la sheegaa in 95% dadka uu cudurkan ku dhaco ay u dhintaan muddo kooban.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland