Dawlada Talyaaniga Oo Soo Saartay Amar Saameyn Ku Yeelanaya Qaxoontiga Soomalida

ROMA (SLPOST)Waxaa gabi ahaanba la xidhayaa Xeryaha dadka magan galya doonka ah iyo guryaha dib u dejinta ah ee ku yaalo degmada Argijenta gobolka Sychilia ee Dalka Talyaaniga.

 

images (2)

Amarkaan lagu xidhayo Xeryaha dadka magan galyo doonka ah iyo guryaha dib u dejinta ayaa wuxuu ka soo baxay Wasiirada arimaha gudaha ee dalka Talyaaniga.

Sido kale amarkaan Dowlada Talyaaniga ka soo baxay ayaa saameyn balaadhan wuxuu ku yeeshay Soomaalida Qaxootiga ku ah dalkaasi,waxayna caqabad ku tahay hab nolol maalmeedkooda,sida dadka Soomaaliyeed ay sheegeen.

lamba

Arintan ayaa ka danbeysay ka dib markii Sawir qarsoodi ah laga qaaday Xero ku taalo Jazeerada Lampedusa taasi oo muujineysa in Dadka magan galyo doonka ah marka ay soo gaaraan Talyaaniga laga buufiyo Bakteeriyada,taasi oo soo de dejisay in Midowga Yurub uu ku amro Talyaaniga in gabi ahaan xeryaha Qaxootiga iyo kuwa dib u dejinta Albaabada la isugu dhufto.

Si kastaba dalka Talyaaniga ayaa waxaa ku sugan Qaxooti fara badan oo ka kala tagay wadano kala duwan oo Soomaaliya ay ku jirto.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland