Dawlada Sucuudiga Oo Sheegtay Inay Madaxweynah Malaysiya Siisay Lacagta Lagu Eedeeyay Inuu Musuqay

Malaysia (Slpost)-Wasiirka arrimaha dibadda ee Sacuudiga, ayaa sheegay in lacagta laga helay xisaabta bangiga khaaska u ah Ra’iisul Wasaaraha Malaysia Najib Razak, in ay tahay deeq ay iyagu bixiyeen, sidaas waxaa tabisay warbaahinta dowladda.

malaysiya

Sanadkii hore wargeyska Wall Street Journal, ayaa Najiib ku eedeeyay musuqmaasuq, waxayna sheegeen in 681 milyan oo doolar ay ka soo gashay dhanka dowladda.

Najiib ayaa la kulmay baaqyo is daba jog ah oo lagu dalbanayay in uu is casilo, laakiin in uusan khalad lahayn ayaa la cadeeyay.

Wuxuu sheegay in warka Sacuudigu uu xaqiijinayo wixii uu markii horaba sheegi jiray.

“Arrintan hadda waa la soo afjaray”.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Sacuudiga Caadil al-Jubeyr, oo saxafiyiinta kula hadlay shirka ka socda magaalada Istanbul ayaa xaqiijiyay arrintaas, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee dowladda Malaysia ee Bernama.

“Waan ognahay lacagtaas deeqda ah waana mid sax ah oo aan waxba lagu badalanin. Waxaan sidoo kale la soconnaa in xeer ilaaliyaha guud ee Malaysia uu si rasmi ah arrintan u baaray, wax khalad ahna uusan arkin” sidaas waxaa sheegay Jubeyr.