Tog-Wajaale (SLpost)- Dowlada Itoobiya ayaa Xukuumada Somaliland usoo gacan galisey Tahriibayaal u dhashey wadankan Somaliland oo tiradoodu dhameyd todoba iyo afartan tahriibe oo isugu jira rag iyo dumar kadib markii laga soo qabtey Xuduuda u dhexeysa Suudaan iyo Itoobiya iyo Gudaha dalka itoobiya labadaba.
Tahriibayaashan oo awal hore marka lasoo gacangaliyo loo dhiibi jirey ama lagu wareejin jirey waalidiintooda ayaa, deyrtan looga dhaartey taas, oo sitoos ah loogu gudbiyay ilaa Dhinaca Caasimada Hargeysa halkaas oo lala beegsanayo in ciqaab edaab ah loogu diro Xabsiyada dalka.
Taliyaha Ciidanka Laanta Socdaalka Gobolka Gabiley Cabdirashiid Axmed Xasan ee fadhigiisu yahey Xarunta Laanta Socdaalka Tog-Wajaale ee xuduuda u dhexeysa Somaliland iyo Itoobiya oo warbaahinta xogwaran kasiiyay ayaa sheegay in laga soo qabqabtey dhinaca xuduuda itoobiya iyo Suudaan u dhexeysa iyo gudaha dalka Itoobiya, waxaanu xusey Taliyihu in xidhiidh wanaagsani ka dhexeeyo labada dal ee Itoobiya Somaliland labadooda Xafiis ee socdaalka ee kukala yaala Magaalooyinka Tog-Wajaale dhinaca Itoobiya iyo dhinaca Somaliland ee xuduudku kala qeybiyo.
“Waxaan kula soo wareegay tahriibayaashan dhinaca Xafiiska laanta socdaalka ee itoobiya Tog-Wajaale halkaas oo ay todoba iyo afartan kan qof ee tahriibayaasha ah iigu dhiibeen saraakiisha laanta socdaalka dalka itoobiya xafiiskoodaa wajaale dabcan xafiiskana waxaa naga dhexeeya xidhiidh wanaagsan oo maalin walba tahriibayaasha ay qabtaan ayay nagu soo waeejiyaan ee dhinaca Somaliland anaguna sidaas oo kale ayaanu ugu wareejinaa tahriibayaasha u dhashey dalka itoobiya oo dhinacan ka gudbaya markaanu qabano, waxaana tahriibayaashan maanta dalka itoobiya nagu soo wareejiyeen loola dhaqmayaa si ka duwan sidii aanu awal hore ka yeeli jirney maxaa yeelay awal hore waxaanu gudoonsiin jirney waalidiintooda laakiin maanta looma dhiibayo, dhamaantood waxaanu ka qaadeynaa sawiro iyo faro waxaananu ugudbin doonaa Taliska Qeybta Booliska Gabiley, waxaananu ku wargalinaynaa cidii aanu sawiradaa ka qaadney ee mar labaad aanu gacanta ku dhigno waxey muteysan doonaan xadhig, waxaananu ka codsaneynaa gudida ladagaalanka tahriibta iyo Labada Gole ee sharci dajinta qarankaba in ay dhakhso inooku sameeyaan xeerkii ciqaabta ahaa ee tahriibayaasha iyo cidii wax tahriibineysaba maxaa yeelay marka aanu tahriibayaasha ugudbino Saldhiga Booliska Tog-Wajaale waxaa dhacda in waalidkood qaarkood yidhaahdaan sii daaya ha tahriibaane sidaa daraadeed hadaan lahayn xeer ama sharci lagu hayn karo tahriibayaasha aanay joogsaneynin lamana hayn karo 24 saac ilaa sideed iyo afartan saac wax ka badan hadii sharcigaa iyo xeerkaa la heli lahaa waxaan hubaa in ay joogsan laheyd tahriibtan xooga usocotaa maxaa yeelay maalin kasta waxaanu qabanaa dhalinyaro rag iyo dumarba leh, qaar aanu waalidkood ku wareejinay ayaa hadana soo gudba waanay adag tahey in qof saacaduu jaanis helaba baxsado o socdaalo oo tahriibo la joojiyo,” Ayuu yidhi Gaashaanle Cabdirashiid Axmed Xasan Taliyaha Laanta Socdaalka Gobolka Gabiley.
Waxaanu ugu dambeyntii hadalkiisa baaq usoo jeediyay in ay Culumaa,udiinka Somaliland iyo culimaduba ka qeyb qaataan wacyigalinta tahriibtaiyo dhibaatada ay leedahay oo ay kaga hadlaan khudbadaha jimcaha iyo muxaadraooyinkaba sheegaana waxey ay diinteena Islaamku ka qabto haligaada nafta la haligayo iyo hadimada tahriibta, Waxaanu ku gunaanadey hadalkiisa in cid kasta oo ay qabtaan iyagoo tahriibaya ay sharciga horgeyn doonaan oo aan hada kadib lagu sii deyn doon si dhayal ah.
Laanta Socdaalka Tog-Wajaale ee fadhigeedu yahey Magaala Xuduudeedaasi ayaa maalin walba lagu soo qabtaa tahriibayaal u badan dhalinyaro aad u da,yar kuwaas oo aan intooda badan sahey iyo saruurad midna wadan islamarkaana, beegsanaya hadimo iyo dhibaato tahriib ah oo aanay ku nabed galin intooda badani taas, oo qeylo dhaantooda la ogaado bilo kadib marka ay ku leedaan badaha u dhexeeya Liibiya iyo Talyaaniga.
SOMALILANDPOST.NET
Tog-Wajaale, Somaliland