Dawlada Burkina Faso Ayaa Ay Ciidamada Ilaalada Madaxtooyadu Afganbiyeen, Waxaanay Ku Dhawaaqeen Hogaan Ciidan Oo Soo Dhisa Dawlad

 

Hargeysa(SLpost)-Dowladda ku meelgaadhka ahayd ee dalka Burkina ayaa ilaalada madaxtooyada ay kala direen.

Xubin ka mid ah ciidamadaasi ayaa ka muuqday TV-ga dowladda ee dalkaasi wuxuuna ku dhawaaqay in dowladda ku meelgaadhka ahayd lakala diray. Waa hadalkii ugu horeeyay ee ka soo yeera ciidamada ilaalada madaxtooyada ee Burkina Faso, tani iyo markii madaxtooyada ay la wareegeen.

Waxa ay sidoo kale xidheen madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo kullan heer wasiiro ah ku lahaa dhismaha madaxtooyada ee caasimadda dalkaasi, Ouagadougou. Hadaba, waxaa la sheegayaa in arrintan ay u muuqato afgembi.

150917104434_burkina_faso_640x360__nocredit

Tallaabadan ayaa timi kaddib laba maalin oo guddi ay ku taliyeen in shaqada laga joojiyo ciidamada ilaaliya madaxtooyada. Rabshado ay qeyb ka ahaayeen baarlamaanka talada haya ayaa waxa ay xoog xilka uga tureen madaxweynihi mudada xilka haayay ee Mr Compaore, oo dalkaasi ka cararay bishii October ee 2014.

General Gilbert Diendere, ayaa loo magacaabay inuu yahay hogaamiyaha dowladda ku meel gaadhka. Xuduuudda oo dhan ayaa la xidhay, waxaana la soo rogay waqti aan la socon karin.

Gudoomiyaha baarlamaanka, ayaa ugu baaqay milatariga inay faragalin ku sameeyaan, si ay u joojiyaan sida uu sheegay talaabada ay qaadeen koox yar oo ka tirsan milatariga oo dowladda riday.

Ilaalada madaxtooyada ayaa xabado cirka u riday magaalo madaxda Ouagadougou, kadib markii dad ay mudaaharaadeen.