Dastuurka Rwanda oo Wax-ka-bedel lagu Sameeyay

 

Xildhibaanada dalka Rwanda ayaa waxa ay meelmariyeen isbadello lagu sameeyay Dastuurka kuwaasi oo u ogolaanaya Madaxweyne Paul Kagame in uu mar saddexaad xilka u tartamo.

Si kastaba ha ahaatee, labada xilli ee uu madaxweyne dalkaasi maamuli karo ee markiiba ah 7-da sano ayaa waxaa hoos loogu dhigi doonaa 5 sano.

Hasayeeshee arrintan ayaa waxa ay dhici doontaa oo kaliya wixii ka dambeeya doorashooyinka 2017-ka, sanadkaasi oo ah markii uu Madaxweyne Kagame xilka ka degi lahaa.

Meel marinta xildhibaanada ayaa timid kaddib codsi dalka oo dhan ku baahay oo ugu baaqayay baarlamanka in uu wax ka badelo dastuurka haatan jira.

Mas’uuliyiinta ayaa waxa ay sheegayaan in codsiga lagu taageeray in ka badan 3.7 milyan oo saxeex.

Hasayeeshee dadka naqdiya arrimaha Rwanda ayaa sheegaya in howsha aanay ku dhicin hab furan, xor ah oo hufan.

Xildhibaanada baarlamanka ayaa si wadajir ah waxa ay u go’aansadeen in madaxweynaha la doorto 2017-ka uu dalka maamuli doono muddo 7-ba sana ah.

Iyadoo doorashada taasi xigtana la dhaqan gelin doono in min shan sano ay noqoto labada xilli ee madaxweyne la dooran karo.

Madaxweyne Kagame ayaa weli waxa uu u tartami karaa doorashooyinka 2017-ka. Waxaana suuragal ah haddii uu doonayo inuu markale tartamo marka shanta sano loo badelo xilliga madaxweynaha uu jagada hayn karo.

Marka arrintaasi la eegana, wax ka badelka dastuurka ayaa waxa uu u ogolaanayaa madaxweyne Kagame in uu dalkaasi ka talin karo ilaa iyo 2034-ta.

Isbadelka lagu sameeyay dastuurka ayaa haatan waxa ay tahay in uu ansixiyo Senate-ka ka hor inta aanan loo dareerin afti dadweyne oo lagu go’aamin doono in dadku ay taageeraan iyo in kale dib u eegidda lagu sameeyay dastuurka.

Isbadelka lagu sameeyay dastuurka ayaa mucaaradad yar kala kulmay gudaha dalka, hasayeeshee Mareykanka ayaa arrintaa ka soo horjeestay.

Madaxweyne Kagame ayaa lagu amaanaa kabista dhaqaalaha Rwanda kaddib xasuuqii dalkaasi ka dhacay sanadkii 1994-tii. Balse waxaa si joogta ah loogu eedeeyaa in uu caburiyo warbaahinta xorta ah iyo siyaasiyiinta mucaaradka.