Dareenka Musharaxiinta Hogaanka Kulmiye, taageerada Samaale Ee Gobolka Gabiley (Florida) Iyo Muj Muuse Biixi

MBiidMudane C/Casiis Maxamed Samaale oo ah wasiirka maaliyada ee jsl waqtigan ayaa wuxuu safka hore ugu jiraa musharaxnimada  jagda mus harax ee shanta sano ee soosocota  ee isbiga muxaafidka ah ee kulmiye waa marka ay cadaato in aanu isasoo sharaxayn Madaxwayne axmed silaanyo shirwaynaha kulmiye  ee badhtamlha sanadku an lafilayo qabashadiisa,waxaa kaloo xusid mudan isna inuu dhiniciisa  ka sheegay muj; muuse biixi cabdi inuu sharaxanyahay hadii ay cadaato inuu madaxwayne  siiraanyo ka hadho tartanka shirwaynaha’

Iswaydiintu waxay tahay laba xubnood ee aynu soo sheegnay oo isku beelkaliya  kasoo wada jeeda, iyamaa kuguulaysan doona xisbiga gudihiisa  iyo rabitaanka bulshada ,ee ayka soo jeedaan oo Degta waqooyiga,koonfurta iyo galbeedka hargaysa, jyawaabta iswaydiintani marka dhinac laga eego waa mid ku xidhan taageerada iyo codka gacan taaga ah eexubnaha shirwaynaha xisbiga kuwaas oo la ogyahay inay u cadayn doonaan hadba cida uu gacanta utaago m/axmed siilaanyo,isagoo ka shidaal qaadanaya hadba dareenka dhabta ah ee jira iyo waaqiciga siyaasadeed ee bulshada kuxeeran iyo taageerada ay kakala haystaan labada musharax ee isku beesha kasoo jeeda’

Hubaal marka loo eego saadaasha muuqata ee ilaa hadda falanqaynta bulshadu ubadantahay ayaa waxay noqonaysaa mid u foorarta dhinaca mudane cabdicasiis m samaale oo la rumaysanyahay inuu yahay tiir dhexaadka xisbiga kulmiye iyo injineerkii seeska buudhigii xisbiga isla markaana laga dharagsanyahay halgankii qadhaadhaa ee uu soogalay guushii xisbigii kulmiye ku hantay hogaanka talada Dalka 2010kii

Waxaa kaloo la ogyahay  xalintii uu kulahaa guud ahaanba geedi socodkii xisbigii mucaaridka ahaa ee kulmiye iyo waliba naf huristii taageeridiisii ugu badnaydna uu kasoo hooyay gobalada Galbeedka s/land gobolka florida ee Gabiley’

Waxaa kaloo xusid mudan gaar ah mudan kalsoonida aan gabashada lahayn ee ay galbeedka hargeysa iyo galbeedka s/land u hayaan mudane cabdicasiis maxamed samale oo la odhankaro waxay sii libin laabtay mudadii uanbaysay oo uu siwayn uga dhexmuuqday  saaxada siyaasideed ee gobolka gabiley. Isagoo ah wasiirka gobolka isla markaana noqday ninka taladiisa iyo jihaynta maamulka jira  gobalka iyo degmooyinkiisa wax qabadka muuqada ee ayku talaabsadeen yihiin dhamaanba guulo wax badan maaliyada ee gabiley kasocota, dhismaha 14jid ee laamiga ah magaalada togwajale’ee uu ku guulaystay  gudoomiye  xaashi m  xasan  waa guul ugaara mudane c/siis oo ahaa ninkii ka masuulka ahaa mudane c/siis samaale sobobta oo ah waa wasiirkii gobolka gabiley,uguna mudan horumarka ,caafimaadka,waxbarashada,biyaha ee guud ahaan gobolka ka muuqda,waana sobobta taageerada intaa leeg bulshada deegaanku uhayso markaaynu dib ujaleeco kalsoonida muj;biixi oo ay ku  tartamidonaan kursiga musharaxnimo ee 5sano ee soosocota hadii ay xaga rabi kanoqoto ayaa ayaa isaga umuuqata mid aan kalsoonibadan ku haysan deegaanka gobolka florida taasi oo la odhankaro ‘sobobteedu waa mid ku timid ama uu sobob uyahay, m udane muuse biixi cabdi  oo ku guuldaraystay inuu kasbado bulshadii sacabka iyo mashxarada kusoo dhawayn jirtay,isla markaana markii unoqday hogaanka xisbiga kulmiye,aan dib u eegin  dibna ugu noqon saaxiibadiisii halganka waana sobobta inta  badani usaadaalinayso guuldarada’ muj.muuse biixi  lootirinayo  iyada oo ay utaalo dhinaca m/toyada s/landna qiimayn aad uhoosaysa lana filanayo’ inuu mari doono dariiqyadii saaxiibadii hore loo mariyay

Waa qalinkii Maxamed Ismaaciil Cumar(M-biid)

Gabiley Somaliland