Dardarta Wasiirka Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare Iyo Gabbashada Hay’adda Save The Children 

Marka Laga soo bilaabo 2010/2015 wakhtiga xukuumada madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo talada wadanka haysay waxa isbadal ballaadhan ku yimi habka ama hannaanka loo qorsheeyo mashaariicda Wasaarada Waxbarashada Iyo Tacliinta Sar lagu taageero fuliyaana Hay’adaha caalamiga ah

Habkaas oo ahaan jiray in Hay’ad kastaa gaarkeeda u raadiso mashaariic (projects) wax lagga qabanayo qaar ka mid ah baahiyaha waxbarashada ee jira hannaankaas waxa lagu badalay qaab si wada jir ah loogu qorshaynayo baahiyaha waxbarashada ee markaas jira (sector planning)

Qorshahan cusub waxaa soo dhawaysay Wasaarada Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare waxaana lagu magacaabay Horumarinta Cilmiga 2012/2014 lacagta loo qoondeeyey waa 11 milayn oo dollar muddo sadex sano ah waxaana fulinaaya Hay’ado caalami ah oo isku magacaabay (consortium) Save the children , NRC iyo Care international Waxaana hogaanka uqabatay Hay’adda Save the children

Wasaarada Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare waxay filaysay in qorshahan cusub uu keeni doono isbadal hawshana siwada jir ah loo qaban doono isla markaasna laysu kaashan doono sidii loo samayn lahaa waxqabad baaladhan loona horumarinlahaa tacliinta gaar ahaana waxbarashada Aasaasiga( basic primary education) hasayeeshee waxaa soo baxday in laysu bahaystay qaybsiga lacagta loogu talo galay Horumarinta tacliinta wadanka waxaana arintaas markhaati u ah in lacagta miisaaniyadda 3 sano 5.4 milyan dollar oo ah in 50% lacagta guud ee loogu talo galay mashruuca Horumarinta cilmiga ay ku baxayso kharashaadka hawlsocodsiinta xafiisyada Hay’adaha iyo safaradooda Nayrobi /Hargeisa

Hadaba Wasaarada Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare waxa dhawaan loo soo magacaabay wasiir cusub Cabdilaahi Ibraahim Habbane wasiirka cusub waxa uu arkay isla markaasna daraasad iyo wada tashi kusameeyey xaqiiqda kajirta iyo sida loo maamulo lacagaha taakulada ah ee lagu caawiyo horumarinta taclliinta wadanka gaar ahaana mashruuca Horumarinta Cilmiga ee ay fulintiisa hogaamiso Hay’adda Save the children

Mashruuca Horumarinta Cilmiga waa mashruuca ugu ballaadhan uguna muhiimsan mashaariicda loogu deeqo horumarinta waxbarashada wadanka sidaas darteed wasiir Cabdiallhi Ibraahim Habbane waxa uu xooga saaray sidii looga dhabayn lahaa in lagu guulaysto ujeedooyinkii laga lahaa mashruucaas 2012/2014 waxaana uu hakin kusameeyey mashrucaas qaybtiisa 2aad 2015/2017 oo bilaabmi lahaa October,2015 isla markaasna waxa uu dalbaday in qiimayn lagu sameeyo mashrucaas dhammaaday mashruucaas oo uu saluug weyn ka muujiyey Wasiirka Waxbarashadu maadaama oo madmadaw badani ka muuqdo habka loo fulieyey iyo daahfurnaantiisa isla markaana muuqato hawlo badan oo aan laga qaban goobohii loogu talo galay sida tababrka macalimiinta iyo dhismayaasha dugsiyada hoose dhexe hawlaha qaarkoodna ay fuliyeen qandaraasalayaal si dadban loogu dusiyey fulinta hawlahaas kadibna waxa meesha kabaxday tayadii looga baahnaa hawshaas tusaale ahaan Dugsiyada Sare waxaa loo sameeyey laps ardaydu ku qaataan bandhigga casharada sayniska ah oo aad tayadoodu uliidato qaarkoodna aanay shaqaynba

Wasiirka Wasaarada Waxbarashaada Iyo Tacliinta Sare waxa uu qaaday tallaabooyin uu ku hagaajinayo sida loogu samayn lahaa isbadal ballaadhan habka wada shaqaynta Wasaarada

 Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare iyo Hay’adaha fuliya mashaariicdda Waxbarashada sidaas darteed waxa martiqaad hadhimo sharafeed ah lagu casuumay dhammaan Ha’aydaha taageera Waxbarashada Hottel Maansoor isla markaasna loogu soo bandhigay habka cusub ee si wada jir ah oo daahfurnaan ku dheehantahay looga wada shaqayn lahaa hawlaha la xiriira horumarinta tacliinta maadaama oo waxqabad badan lagu sheego warbixinaha ay diyaariyaan Hay’adauhu hasa ahaatee aan ka muuqan Waxbarashada wadanka

hasayeeshee Hay’adda Save the children waxay si badheedh ah dhagaha uga furaysatay amarada wasiirka Waxbarashada Cabdilaahi Ibraahim Habbane waxaanay iskeed uqaaday talaabo ah in ay qiimayn kusamayso mashruucii muranku ka taagnaa taas oo keentay in Wasiir Cabdilaahi Ibraahim Habbane qaato go’aan adag oo kadhan ah Hay’adda Save the children oo ah in uu qaadacay ka qaybgalka bandhigii qiimaynta mashruucii dhammaaday ee Horumarinta Cilmiga qaybtiisii 1aad amarna kusiiyey saraakiisha Wasaaarada Wabarashada Iyo Tacliinta Sare in aanay ka qaybgalin kulankaas maadaama oo hore loogu heshiiyey kulankii EU(midawga Yurub) kasoo qayb galeen kana codsadeen Wasiirka Waxbarashada in mashruucan Horumarinta Cilmiga qaybtiisa 2aad wasiirku saxeexo isla markaasna si wada jir ah qiimayn loogu sameeyo mashruuca qaybtiisii 1aad

murankan kataagan marshruuca Horumarinta Cilmiga maaha mid bilaamay wakhtigan Wasiir Cabdilaahi Ibraahim ee waa mid soo jiitamaayey in muddo sanado ah waxaana arintan markii 1aad badka soo dhigtay wasiirkii hore waxbarashada Zamzam Abdi Aadam ka dib markii ay diiday in ay saxeexdo isla mashruucan intaas kadib waxaa xilka Wasiirka Wasaarada Waxbarashada la wareegay Prof Faarax Cilmi Maxamuud oo isagu xilka iska casilay isaga oo aan saxeexa ku

duugin mashruuca Horumarinta Cilimga qaybtiisa 2aad 2015/2017 sababaha aynu kor kusoo xusnay oo taagan awgoood

hadaba waxaa kuu muuqata in khilaafkan ay iska dhaxleen 3 Wasiir aanu ahayn mid ladhayalsan karo waayo waxa meesha ka baxday daahfurnaantii iyo aaminaadii lagu wada shaqayn lahaa waxaana taas kuu cadaynkara warbixintii uu soo saaray hantidhawrka Hay’ada Save the children ee shaqada looga fadhiisiyey qaarkoodna hakad loogu sameeyey saraakiil ka shaqayn jiray mashruuca Horumarinta Cilmiga kadib markii lagu helay wax isdaba marin

ugu danbayntii Hay’adda Save the children waxay hogaamisaa Hay’adaha isku bahaystay fulinta mashruuca Horumarinta Cilmiga waana mashruuca ugu ballaadhan ee taageera horumarka tacliinta Somaliland oo ay maalgaliso Midawga Yurub

khilaafka Wasiirka iyo Hay’adda Save the children waxa uu keenay in wasiirk Cabdilaahi Ibraahim Habbane si cad u horjoogsado saxeexa mashruuca Horumarinta Cilmiga qaybtiisa 2aad arintani guud ahaan waxay la xidhiidhaa dabadana kuhaysaa daahfurnaan la’aan laga waayey Hay’adda Save the children kadib markii wasiirka cusub iyo wasiiradii kahoreeyey kala quusteen codsigii ahaa soo bandhiga waxqabadkii mashruucii dhammaaday ee Horumarinta Cimig qaybtiisii 1aad

Cabdiwahab Maxamud Ibrahim

gadiid236@gmail.com