Daraasad laga sameeyey Hawl-galkii Dawladda Hoose ee Caasimadda iyo Guddida Bilicda Caasimadda oo ka qayb-galay

Hargeysa (SLpost)- Wasiirada Arrimaha Gudaha, Diinta iyo Awqaafta, Maayarka Caasimada Hargaysa iyo Xubno ka tirsan gudida horumarinta Bilicda Caasimada ayaa Maanta ka qayb galay kulan lagu soo bandhigayay daraasad lagaga sameeyay hawlgalkii dawlada hoose ee ku wajahnaa kor u qaadka bilicda Caasimada.

Waxaa kale oo kulankan ka qayb galay Xoghayaha Dawlada hoose iyo Xubno ka tirsan gudida horumarinta bilicda caasimada, waxaana daraasadan soo diyaariyay Machadka cilmi baadhista ee Beder .

Mas’uul u hadlayay machadka daraasadan soo ururiyay ayaa sheegay in qaybaha kala duwan ee ay xogtan ka soo uruuriyeen ay u muujiyeen sida ay u taageersan yihiin hawlgalkan oo kor loogu qaadayo bilicda guud ee caasimada kuwaas oo ay daraasadu tilmaantay in 57% ay aad ula dhaceen, halka 36% ka soo horjeedeen isla markaana 7% ku kala muujiyeen inuu saxsan yahay iyo mid khaldan.

Wasiirku Arimah gudaha ee Somaliland Mudane Maxamed Nuur Caraale “Duur”  waxaa uu sheegay,inuu aad u soo dhaweynayo Hawlgaladii banaynta wadooyinka ee ay dawlada Hoose ka Magaalada Hargeisa,isagoo  Qiray inay dareensan yihiin in qaybo ka mid ah bulshadeenu ay nolol maalmeedkooda kala soo bixi jireen goobaha hawl galka laga sameeyay ee hareeraha  wadooyinka, hasa yeeshee waxa uu Wasiirku cadeeyay in marka la is barbar dhigo Faa’iidada  iyo khasaaraha arrintani ay arkeen una soo baxday  in Khasaaraheedu inuu ka badnaa Waxtarkooda,waxaanu wasiirku intaasi ku daray in Muhiimadu ay tahay ilaalinta wax kastoo wax u dhimaya Danta Guud ee qaranka.

Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha ee Somaliland Mudane Maxamed Nuur Caraale “Duur” waxaa kale oo uu Sheegay in Hawlgalada dawlada Hoose samaysay ee dib u soo noolaynta Bilicda caasimadu  ay ahayd mid aad loogu Baahnaa isla markaana ay  shacabku ku taageersan yihiin.

Duqa Caasimada Hargeisa Inj Xuseen Maxamud Jiciir ayaa isna ka warbixiyay sida dadku inta badan siyaabaha khaldan uga hadla marka la eegayo Qorshayaasha Horumarineed ee Caasimada, Duqa Caasimadu wuxuu Digniin Culus Diray Shirkada Laydhka iyo kuwa Isgaadhsiinta oo ay dhowr jeer oo hore uu isagu yeedheen si ay u habaystaan Xadhkahooda kuwaas oo ka dhega adaygay sida uu sheegay inay soo ajiibaan yeedhmadooda, waxaanu intaas ku daray in wixii hada ka danbeeyay ay talaabo sharci ah ka qaadi doonaan.

SLpost News/Hargeysa