Daraasad Iftiimisay Astaamaha uu Caanka ku Yahay Qofka aan Ballamaha ku wanaagsanayni

Aqoonyahanno ka tirsan jaamacadda Zurich ee waddanka Jarmalka ayaa daah-furay nidaam qaab-dhismeedka jidhka ka tirsan oo shaqada maskaxda ah kaas oo shaqo ku leh ballamaha la jabiyo, iyaga oo sheegay in astaamo ka muuqda shaqada maskaxdu ay xataa awoodaan saadaalinta haddii uu shakhsi ballan ka baxayo. Daraasaddan oo ay qabteen Dr. Baumgartner iyo Professor Ernst Fehr oo labadooduba ka tirsan jaamacadda Zurich iyo Professor Urs Fischbacher oo ka tirsan jaamacadda Konstanz, waxa natiijadeeda lagu daabacay jariirad caafimaadka ka hadasha oo la yidhaahdo Neuron.

qaSida la ogyahay, ballantu waa mid ka mid ah dabeecadaha ugu da’da weyn ee bani’aadamku gaar u leeyahay, isla markaana ay diinteennu Islaamku xoojisay adkaynteeda iyo ilaalinteeda. Sidaa awgeed, marka laga yimaaddo sida diinta Islaamku u weynaysay ilaalinta ballamaha, haddana waxay kaalin muhiim ah kaga jirtaa hab-dhaqannada aasaasiga ah ee ay tixgeliyaan bulshooyinka kale ee caalamka. Khubaradani iyaga oo ka shidaal qaadanaya sida ay u saamayso xaaladaha maalinlaha ah ee isweydaarsiga dhaqaalaha bulshooyinka, waxa ay ku sifeeyeen in sida bulshooyinka dhexdeeda uga jiraan tabo badan oo khiyaamooyin sababa, ay ballamuhuna sidoo kale hab-sami u isticmaalkeeda la garab maro marka la eego marxaladaha xidhiidhada bulshooyinka wada nool hadday noqon lahayd ganacsatada, siyaasiinta iyo shakhsiyaadka wadashaqayntu ka dhaxayso dadka kale. Haddaba, marka laga yimaaddo sida ballamaha looga tixgeliyo bulsho kasta, waxa iska yar ogaanshaha iyo aqoonta laga haysto shaqadan ay maskaxdu samayso ee la xidhiidha jiritaanka dhacdadan. Khubarada oo ku xeeldheer cilmiga Niyuuroonnada waxa ay sameeyeen tijaabo ay bulshooyin kala duwan la kaashadeen iyaga oo isticmaalaya aalad muujinaysa shaqooyinka kala duwan ee maskaxda. Natiijooyinka ka soo baxay daraasadda waxa ay muujiyeen shaqo dheeraad ah oo ku timid qaybta maskaxda ee kaalinta muhiimka ah ka ciyaarta muujinta shucuurta iyo feejignaanta oo ay wehelisay jabinta ballantu. Astaamaha muujinaya shaqada qaybtan maskaxdu waxa ay sheegayaan in jabinta ballantu ay qofka ku sababto shucuurtiisa oo is-khilaafta sababteeduna tahay qarinta jawaab daacadnimo ku dheehan tahay.

Sidoo kale, daah-furka ugu muhiimsan ee daraasaddani waxa ay awood u siisay cilmi-baadhayaasha inay soo bandhigaan astaamo ka muuqda shaqada maskaxda kuwaas oo ogolaanaya in la saadaalin karo dabeecadaha uu qofku la soo bixi karo mustaqbalka.

SOMALILANDPOST.NET