Dar Illaahay U Caawi Nin Dhalinyar Ah Oo Booyad Shidaal Ku Gubtay Oo Ku Rafaadsan Dhakhtarka Edna Aden Ee Hargeisa

Sakariye Saxardiid Waraabe-cadde waa Nin dhalinyaro ah oo muddo Dhowr bilood ah ku jiray xaalad kaddib markii uu ku gubtay booyaad shidaal Magaalada Hargeysa.

Sakariye Saxardiid Waraabecade oo 20 jir waxa 4-tii May 2014 dhaawac halis ahi ka soo gaadhay dhammaanka Jidka oo dhan, ka dib markii ay ku qaraxday Booyad Shidaal Sidday oo ku la socday, shilkaas oo walaaalkiina ku geeriyooday.

11Muwaadinkan dhaawaca ah ayaa waxa ka baxay jidhkiisii dhamaan diirkii sare sida sawirkiisa ka muuqata, waxanu ku suganyahay xaalad halis ah isagoo duruufo dhaqaale darrada ku gedaamanyihiin wakhtigan oo dhakhtarka ku jiray muddo dhawr bilood ah.

Walaal ilaahay ayaa quraankiisa ku Yidhi, “Dadka muuminiinta ahi waa walaal,” Dadka muslimiinta ah meel kasta oo ay joogaan waxaa qoyskani ay ka codsanayaan in dar ilaahay iyo dar aakhiro loo soo caawiyo.

Walaal waxaa lagu jiraa bishii ramadaan oo ah bil barako badan, waxaynu ku jirnaa 10kii dhexe ee danbi dhaafka walaal wixii aad heli karto dar ilaahay ugu caawi muwaadinkan soomaaliyeed ee dhibaataysan. Sadaqadu ma naaqusiso maalka ee way siyaadisaa.

UntitledHadaba qofkii awooda inuu wiilkaa dhibaataysan dar ilaahay wax ugu gaysto bishan barakaysan iyo ayaamaha ciidda ha ugu soo hagaajiyaan hooyada dhashay wiilkan oo leh   ZAAD Number: 0634615106 Hooyo: Cawo Maxamed Jamac.

Ciddii kale ee account kusoo shubaysa waxay ku soo hagaajin karaan Account no: 9874 Dahabshil, Hargeysa. Mohamed Ali Muhumed, telkana 0633553786