Danjire Qaybe: Ruug-caddaagii Diblomaasiyadda Soomaaliyeed (1930kii – 2013ka) Qalinkii Boobe

 

‘Si aanay taariikhdu u lumin qof kasta oo qalin iyo warqad isu qaata oo damca taariikhdii uu soo maray in uu wax ka qoro, isaga ayaa ka mas’uul ah wixii dhalliilo qoraalkiisa ku soo baxa. Sidaa daraaddeed, waa in uu qofka wax qorayaa iska ilaaliyaa, inta ay xusuustiisu gaadhsiiso, wixii dib ugu soo noqon doona. Qoraalkaygan kor-ka-xaadiska ahi, aragtidaas  lagama-maarmaanka ah ayuu ku salaysan yahay.’

 

Xigasho, ballaysinka Buuggiisa

 

Danjire Axmed Maxamed Aadan, Qaybe,

 

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

 

Hordhac

qeybe 1

Maanta oo ay taariikhdu ahayd 26/11/2013ka, waxa magaalada Hargeysa ku geeriyooday Danjire Axmed Maxamed Aadan oo loo yaqaannay Qaybe. Naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’. Beryahanba waa uu xanuunsanayay. Danjire Qaybe, waxa lagu aasi doonaa magaalada Hargeysa, berrito haddii Eebbe idmo.

 

Danjire Qaybe in kasta oo aan si guud u aqaannay, haddana waxaan si aad u dhow u sii bartay sannadkii ugu dambeeyay noloshiisa oo aan maalin walba ama maalin-dhaaf Hargeysa kula kulmi jiray. Maalin maalmaha ka mid ah ayuu e-mail iigu soo diray qormo koobnayd oo dhowr bog oo af Ingiriisi ku qornayd. Mowduuca qoraalkaasi wuxu ahaa dagaalkii qaboobaa ee ka dhaxeeyay quwadihii waaweynaa ee berigaa jiray ee Is-bahaysiga Nato iyo Warsaw ama loo kala yaqaannay bari iyo galbeed oo ay kala hoggaamin jireen: Midowgii Soofiyeti iyo Mareykanku. Qoraalkaasi wuxu si gaar ah u taabanayay Gantaalihii Cuba ee ay iskaga hor yimaaddeen labadaa quwadood gaar ahaan: John Kennedy oo Mareykanka hoggaaminayay iyo Nkita Khurushev oo ahaa Xoghayihii Guud ee Xisbigii Shuuciga ahaa ee Midowgii Soofiyeti.

 

Afka Soomaaliga ayaan qoraalkaa ugu tarjumay, ka dib waxaan u diray Danjire Qaybe aniga oo u raaciyay tuduc ku jiray Deelleeydii Maxamed Yaasiin, Dheeg, kaas oo ahaa:

 

“Dadka waan ka quustee,

Dunida show rag baa nool,”

 

Markaas ayuu Danjire Qaybe ku bilaabayaa in uu qoro qaybo ka mid ah xusuustiisii hodanka ahayd iyo waayo-aragnimadiisii diblomaasiyaadeed. Sidaas ayaanu isugu nimid aniga iyo Danjire Qaybe. Aniga oo ka war qabay waaya-ayaragnimada hodanka ah ee Qaybe, aniguna waxaan ku dhiirri-geliyay in uu ummadda uga tago dhaxal. Sidaas ayaan si joogto ula xidhiidhi jiray tan iyo maalintan uu geeriyoonayo.

 

Sidaas darteed, ayaynu qormooyinkan kooban ugu guud-mari doonnaa noloshii hodanka ahayd ee Danjire Qaybe.

Innaga oo dhafan-dhaaf ka dhigan doonna si ay inoogu dhan-dhanto, bal aan ku horreynno Danjire Qaybe oo ka warramaya dhalashadiisii, waxaanu qoray:

 

‘Waxaan ku dhashay ‘Royal Naval Station’, Xaafadda Khoor-maksar, Cadan, oo ahayd  xeradii aabbahay ka shaqayn jiray. Quraanka ayaan baran jiray oo saddexda Jis ee ugu horreeya ayaan qaybay.’

 

Danjire Qaybe, hooyadii waxay ahayd Kaaha Warsame baro-bi’iye. Aabbihii xaggaa iyo dalkii ayuu ku soo laabtay, walaalkii Gaashaanle Dhexe Cali Maxamed Aadan waa uu dhintay, yaa markaa kafaalo-qaaday noloshii Qaybe iyo yaraantiisii. Isaga oo su’aashaa ka jawaabaya wuxu qoray:

 

Waxaan la noola oo Dugsiga igu daray oday taajir ahaa oo magiciisu ahaa Warsame Shooke iyo qoyskiisa oo ay walaalkay Cali Maxamed Aadan isku wanaagsanaayeen.  Waxaan ku biiray Dugsigii Hoose-dhexe ee ‘Saint Joseph’s Boys School’. Arday kale oo reerka ahna kharshka iskuulka ayuu ka bixin jiray. Waxa madax ka ahaa Baadderi Hindi ahaa oo magiciisuna ahaa ‘Father Dominic’. Baadderigaasi, wuxu aakhirkii gaadhay ‘Arch Bishop of India’ ee Mad-habta Kaatooligga. Wuxu qoray Buug uu ku sheegayo in aradaydiisii Soomaaliyeed qaar ka mid ahi derejooyin caalami ah gaadheen oo aan anigu ka mid ahaa.’

 

Danjire Qaybe intii uu Cadan ku noolaa wuxu ka soo baxay Dugsiga Sare isaga oo isla markaana soo bartay teebka iyo fartii la odhan jiray ‘Short hand-ka’ ee la adeegsan jiray marka degdegga wax loo qorayo. Isaga oo intaas oo dhan soo bartay ayuu 1954kii soo degayaa magaalada Hargeysa isaga oo ka hawl-galay xafiiskii DC-ga ama Guddoomiyihii Degmada.

 

Bal hadda aan daalacanno sida uu Danjire Qaybe wax uga qoray qaybtan noloshiisa ahayd, waxaanu yidhi:

 

“Waxaan ‘typist’ ahaan ugu shaqayn jiray Taliskii Sare ee Ciidammadii Cirka ee Ingriiska. (Royal Air Force Command, Aden). Waqtigaas teknoolojiyadda (kombiyuutarrada) casriga ahi ma ay jirin ee makiinadaha caadiga ah ayaa warqadaha lagu garaaci jiray, shaqadayduna waxay ahayd ‘Shorthand typist’, mushaharkayguna wuxu ahaa laban-laab marka loo eego ka ay qaadanayeen dadka teebka caadiga ah garaacaa.

 

1954kii Xukuumaddii Ingriiska ee Somaliland ayaan codsi shaqo-siin ah u soo qortay, waanay iga oggolaatay. 18-kii June 1954kii, ayaan madaarka Hargeysa ka soo degay. Magaalada Hargeysi waqtigaas aad ayay u yareyd, una qurux badnayd. Waxay ahayd meel cimiladeedu wanaagsan tahay aan boodh iyo qashin midnaba lahayn oo dhulka intiisa badan aanay daaro ka dhisnayn oo cagaar ahayd oo dhirta waaweynina ku badnayd ‘A picturesque Garden town. Waxa ku noola mujtamac is- wada yaqaannay, oo is-jecel oo kan maanta aad uga yar.

 

Waxaan shaqo ka bilaabay Xafiiskii Maamulka Degmada Hargeysa (District Commiosner Office) amaba xafiiska D.C-ga (Dhiisiiga) oo maanta daarta Maxakamadda Gobolka ah. Waxa laygu magacaabay District Clerk oo derejo sare waqtigaas ahayd.”

 

(la soco………………………………………..)