Danjire Cawil oo ka Hadlay Xaaladda Kulmiye

 

 

Hargeysa(SLpost)-Wasiirkii maaliyadda ee xukuumadii Daahir Rayaale Kaahi, Danjire Xuseen Cali Ducaale (Cawil), ayaa sheegay in danta xisbiga KULMIYE ku jirto madaxweyne Siilaanyo oo ku dhawaaqa inuu xilligiisa labaad tartamayo oo aanu ka tanaasulin, si ayuu yidhi xisbiga KULMIYE looga badbaadiyo burbur soo waajaha sidii xisbigii UDUB.

 

Danjire Cawil, oo isagoo jooga magaalada Nayroobi ee dalka Kenya xalay la soo xidhiidhay Geeska Afrika, wuxuu kaloo guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo wasiirka khaarajiga Maxamed Biixi Yoonis ugu baaqay inay ololahooda la sugaan inta uu Madaxweyne Siilaanyo cadaynayo inaanu murashax ahayn.

 

“Waxa jira nidaam dawladeed oo adduunka oo dhami ku dhaqmo, madaxweyne markuu ku rsiga ku fadhiyo dastuurku wuu u ogolyahay inuu laba xilli istaago, haddii aan afkiisa laga maqlin doorashadii teeramka labaad waan ka hadhay;  ciddi inay ku tarto kursigiisa maaha, oo madaxweynihii ayaa xaadir ah oo kursigii ku fadhiya. Markaas waxaan qabaa inay khalad weyn tahay madaxweynihii oo aan ku dhawaaqin inuu teeramkii labaad ka hadhay in lagu tartamo murashixii madaxweynaha, waxaan qabaa inay nidaamka dawladnimada ka soo horjeedo.” ayuu yidhi Cawil, waxaanu intaas raaciyay oo uu ku taliyay in KULMIYE jidkii xisbigii UDUB kaga badbaadi karo Madaxweyne Siilaanyo oo mar labaad isa soo sharaxa, “Xisbigii UDUB wuxuu ku burburay markii murashaxnimadii la isku qabsaday, xisbi taariikh leh ayuu ahaa, maantana xisbiga KULMIYE wuxuu isku haystaa murashaxnimo madaxweynihii oo weli jooga oo aan cadayn inaanu murashax ahayn. Waxa weeye in madaxweynaha afkiisa laga sugyo inaanu murashax ahayn, haddii aanu taas iclaamin waa inay ka xishoodaan inay garab yaacaan, waxaanan qabaa xisbiga KULMIYE halkuu maanta marayo waxa qudha ee uu ku badbaadi karaa waa madaxweynaha oo murashaxnimadiisa cdeeya oo sheega inuu murashax yahay, wixii intaas dhaafsiisani waxay noqonaysaa in xisbigu sii kala jajabo oo waa xisbul xaakimoo saamayn ayuu ku yeelanayaa nabadgelyada iyo sumcadii dibadda, waxaan qabaa markaas badbaadu waxay ku jirtaa madaxweynaha oo is sharaxa mar labaad.”

 

 

Ugu dambayn wuxuu farriin u diray labada siyaasi ee sida ba’an ugu tartamaya bedelaada Madaxweyne Siilaanyo, waxaanu yidhi “Maxamed Biixi iyo Muuse Biixi waxaan leeyahay ha sugaan inta madaxweynuhu ku dhawaaqayo inaanu murashax ahayn, hana ogaadaan inaanay siyaasadu cadaawad lahayn oo iyaga qudhoodu haddii madaxweynuhu ka hadho ay si hufan u tartamaan, laakiin sidan ay imika wax u socdaan si fiican maaha. Waxaanan qabaa in loolankani  xataa dawladnimada naaqusinayo, duniduna way ina daawanaysaa oo ma nihin dad meel ku xaraysane waa la inala socdaa.”

 

Xigasho: Geeska