DAN-JIRE Baashe Cawil oo ka hadlay ujeedada socdaalka Madaxweynaha ee Imaaraadka & Baadhitaano Hay’adaha amaanku ku wadaan TARTAME Ismaacil Cumar Madar

Hargeysa (SLpost)- Safiir Baashe Cawil Cumar ayaa shaaca ka qaaday in Madaxweynaha JSL socdaal gaar ah ku tegi doono dalka Imaaradaha Carabta, qaadan doona muddo toban maalmood.
Wareysi shabakada SomalilandSpan.com wax kaga weydiisay Amb Baashe Cawil Cumar, isagoo ku sugan magaalada Dubai,sababta keentay in dalka Imaaraadka laga soo mustaafuriyo nin lagu magaacaabi Ismaaciil Cumar Madar, oo Somaliland u dhashay ayaa sheegay in ninkaasi maanta ciidamada Amaanka Somaliland ku qabteen isagoo ka dhoofaya madaarka Cigaal una socda dalka Qatar.
Shirkadda FlyDubai oo lacag gar-gaar ah ugu deeqday Somaliland iyo Danjire Baashe oo ka hadlaySafiir Baashe Cawil oo ka jawaabayey ayaa yidhi, “Ninkaa Ismaaciil Cumar, markuu Imaaraadka imanayey wasaarada Diinta & Awqaafta ma ogeyn, xafiiska Somaliland ee Imaaraadkana lamu soo xidhiidhin, hawshiisa waxa watay qolyo reer koonfureed, Muqdisho ah.
Balse markuu soo gaadhay Dubai, waxuu u muuqday nin qorshahiisu ka weynaa ka qeybgalka tartanka Quraanka, maxaa yeelay waxuu baraha bulshada ku baahinayey dacaayado ka dhan ah wadamada Carabta, markuu tartankii u gudbi waayey gebagebadii sidii qorshahu ahaa waa la soo celiyey inta abaalmarintii helay la siiyey.
Mar la weydiiyey, hadii aan laga soo mustaafurin Dubai, maxaa keenay inuu sidaa warbaahinta ka sheego, ayuu ku jawaabay,

Ismaaciil Cumar Madar
Ismaaciil Cumar Madar
“Markii qorshahii loo keenay Imaaraadku guuldaraystay, ka dibna isaga iyo qolyahii kale u bedeleen inay warar aan jirin ku faafiyaan warbaahinta, nasiib wanaag, maanta ayey ciidamada amaanku ku qabteen madaarka Cigaal isagoo u socdaalaya dalka Qatar.
Markaa sababta ciidamada Amaanku u qabteen maxaa loo fasiran karaa, oo la weydiiyey ayuu ku jawaabay, “Ciidamada Amaanku xilligan baadhitaano la xidhiidha arrinkiisa ayey wadaan,markuu u dhamaadana, iyagaa faahfaahin ka bixin doona sababaha loo qabtay, xaqiiqada qorshahiisana bulshadu way ogaan doonaan.
Dhinaca kale safiirka Imaaradaha Carabta Baashe Cawil ayaa shaaca ka qaaday in Madaxweynaha JSL uu booqasho gaar ah, ku iman doono manta magaalada Abu Dhabi, waxaanu yidhi,
“Madaxweynaha JSL Md Axmed Maxamed (Siilanyo) iyo Marwadiisa, & wefdi la socda ayaa maanta booqasho ku imanaya dalka Imaaradaha Carabta. Booqashadan oo mid gaar ah, muddo toban maalmood qaadan doonta, insha alaah,” isagoo raaciyey.
“Waxa booqashadan ku whelinaya, Wasiirka maaliyadda, wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Xoghayaha Gaarka ee Madaxweynaha.”