Dalladda Ururrada aan Dawliga ahayn ee SONSAF oo taageeray Wada-hadallada Somaliland iyo Somalia

Hargeysa (SLpost)- Dallada Ururada Bulshada aan Dawliga ahayn ee SONSAF oo ayaa maanta si buuxda u taageertay qaabka ay u socdaan Wadahadalada dhex maray Xukuumaddaha Somaliland iyo Somaliya, ee la filayo wajigoodii labaad inuu dhawaan dhex maro Madaxweynaha Somalilandiyo Dhiggiisa dalka Somalia.

Guddoomiyaha Dalada Ururada aan Dawliga ahayn SONSAF Garyaqaan Aadan X Cali oo ka hadlay kulan saxaafadeed Ururkoodu maanta ku qabteen magaaladda Hargeysa ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan wadahadaladaasi, waxaanu xusay Somaliland ka jibo keento wada hadalada ay la yeelanayso wadanka aynu deriska nahay ee Somalia .

Aadan X Cali waxa uu Xukuumadda Somaliland ku booriyay inay u tallo badsato wajiyada danbe ee wadahadalada oo ay ka baaraan degto waxyaabaha caqabadaha ah ee ka hor iman kara, isla markaana saamaynta ku yeelan karta Qaranimada Somaliland iyo Geedi socodka wadahadaladaasi.

Marwo Shukri X Ismaaciil Baandare oo iyana shirkaasi Jaraa’id ka hadashay ayaa soo dhaweysay wadahadalada socda, waxaanay xustay in dalad ahaan inay qayb ku lahaayeen talooyinka lagu hagayo shirkaasi.

SLpost News/Hargeysa

Shugri Baandare waxay si gaar ah Ummadda reer Somaliland ugu iftiimisay Qoddobka sideedaad ee wadahadalada Wasiiradda labada dhinac  isla qaateen ee ah in Wakhtiga ku meel gaadhka ah la soo af-jaro taas oo wax badan ka qaadan karta qadiyada Somaliland,iyadoo intaas ku dartay in Somaliland ay u baahan tahay Dawlad rasmi ah oo Somaliya ka dhalata oo ay kala hadasho xidhiidhkooda Mustaqbalku sida uu noqonayoiyo sidii loo kala guran lahaa wixii inoo dhexeeyay.

Dalada Sonsaf waxa ay Bulshada Somaliland ugu baaqday inay si taxadir leh ugu fiirsadaan dhaqdhaqaaqyada socda isla markaana ay talooyinkooda ku biiriyaan Xukuumadda si natiijo lagu diirsadaa ugu soo baxdo wadahadalada bilowga ah ee  labada Dal yeesheen isla markaana laga taxadiro wixii turun turo ku keeni kara habsami u socodka Wada hadaladan. Kulan saxaafadeedkan oo ka dhacay Xarunta.

Maxamed Cabdi Aadan

Indho145@hotmail.com

SLpost News Desk

Hargeysa, Somaliland