Dalladda Jilayaasha Aan Dawliga Ahayn Ee SONSAF iyo Ururka Suxufiyiinta SOLJA Oo Maanta Soogabagabeeyay Kulammo U Socday iyo Nuxurka Qodabadii Ka Soo Baxay

Hargeysa(SLPOST):- Dalladda Ururrada aan dawliga ahayn ee Somaliland (SONSAF) iyo Ururka Suxufiyiinta ee SOLJA oo iskaashanaya, ayaa soo gebogabeeyey kulammo is-daba-joog ahaa oo dhawrkii bilood ee u dambeeyey lagaga hadlayey baahiyaha Warbaahinta Somaliland iyo duruufaha ku xeeran ee ay ku shaqeeyaan, ka dib markii maanta cilmi-baadhis iyo daraasadayn la waday laga soo saaray qodobbo wax-ku-ool loo arkay oo uu ka mid yahay in lagu dhaqmo Xeerka Saxaafadda ee hore u jiray.

Cukuse -mustafe -Xasan

Kulan ay maanta Dalladda SONSAF Madaxda Saxaafadda iyo Hawl-wadeennada Hay’adaha Warbaahinta Somaliland ay ugu qabatay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa, ayay ka soo qaybgaleen Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Guddoomiyaha Guddiga arrimaha Bulshada ee Golaha Wakiillada Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan, Madaxda Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, Aqoonyahaniin iyo Culimo-awdiin, ayaa sidoo kale lagu soo hadal-qaaday doorka Saxaafadda iyo Tacaddiga Xukuumadda talada haysaa ku hayso.

Kulankaas waxaa hadallo ka jeediyey Guddoomiyaha Dalladda SONSAF Mustafe Sacad Dhimbiil, Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta ee SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf, Wasiir Cukuse, Xildhibaan Caynaan, Ruug-caddaaga Saxaafadda Somaliland Xuseen Cali Nuur, Sheekh Almis Yaxye Xaaji Ibraahin iyo xubno kale, kuwaasoo dhammaantood ka hadlay muhiimadda Warbaahinta madaxa-bannaani leedahay iyo waliba sida loogu baahan yahay nidaaminta Xeerka Saxaafadda Somaliland oo ka mid ah qodobbada War-Murtiyeedka inay Warbaahintu rabto in lagu dhaqmo Xeerkaas oo ay Hay’adaha Garsoorku dhinac iska dhigeen ku dhaqankiisa.

Guddoomiyaha Dalladda SONSAN Mustafe Sacad Dhimbiil oo Shirkaas iyo ujeeddadiisa faahfaahin ka bixiyey akhrinta War-murtiyeedka ka hor, waxa uu yidhi; “Shirkani waxa uu ku saabsan yahay inaynu soo bandhigno daraasad muddo dheer socotay, shan kulan ayaannu qabannay, shantaas kulan waxaa ka qaybgalay dad ka badan illaa laba boqol iyo konton qof oo ah dad u dhuun-daloola Saxaafadda, kuwa Mihnadda Saxaafadda gacanta ku haya ama khibrad iyo aqoon u leh oo muddo dheer ku soo dhex-jiray Saxaafadda ayay dadkaasi isugu jireen.”

Waxa uu Guddomiye Mustafe Sacad intaa raaciyey oo yidhi; “Waxaynu ka soo ururinnay daraasad aynu doonayno inay ka duusho Saxaafadda Somaliland maxay u baahan tahay? Saxaafadda Somaliland waxay soo gaadhay heer ay is-qiimayso tiiro ayay kortay miyeynu daynaa tiirada dib ha uga carartee mise tiiradaynu ka saarnaa?

War-Murtiyeedka Kulankaas laga akhriyey oo uu ku saxeexnaa Guddoomiyaha SONSAF Mustafe Sacad Dhimbiil oo nuqul ka mid ah uu heshay warbaahintu , ayaa qoraalkiisu u dhignaa sidan:-

“Tan iyo Markii Saxaafadda Somaliland iyo Hay’adda Jilayaasha Aan Dawliga Ahayn ee Somaliland (SONSAF) ay si wada jir ah u bilaabeen in ay iska kaashadaan wax ka qabashada baahiyaha badan ee haysta saxaafadda Somaliland. Waxa u suurta-gashay in ay SONSAF qabato kulamo iyo cilmi-baadhis isdaba-joog ah, kuwaasi oo noqday kulamadii ugu horreeyey ee noocooda ah oo  si rasmi ah oo xeel-dheer saxaafaddu dhexdeeda isugu aragto, ka dooddo, kana wada hadasho baahiyaheeda iyo duruufaha aasaasiga ah ee u gaarka ah, kuna shaqayso. Waxa labada dhinac u suurta-galay in ay wax badan arrimahaasi ka qabtaan iyada oo kulamadii la qabtay ay ka soo baxeen arrimo badan oo muhiim ah.

Kulamadaasi ay saxaafadda Somaliland isugu timid ee ay gacanta ka siisay SONSAF waxa ay suurta-galiyeen in laga soo ururiyo xogo rasmi ah oo saxaafadda dhexdeedu in badan lafa-gur ku samaysay oo ra’yi ururin ah. Xogahaasi oo isugu jiray caqabadaha maanta haysta Saxaafadda Somaliland iyo duruufaha adag ee ku gedaaman saxafiga iyo hay’addaha warbaahinta. Kuwaasi oo ay lagama-maarmaan noqotay in la ururiyo xogtaasi lagana dhigo mid dhigane ah, si loogu hawl galo wax ka qabashaddeeda iyada oo loo kala samaynayo jaranjarooyin kala horreeya si tallaabo kasta oo arrimahaasi kamid ah xal loogu helo.

Kulankii ugu dambeeyey oo aynu maanta u fadhinaa waxa uu noqon doonaa mid aynu ku soo bandhigi doono warbixin dhammaystiran oo lagu soo ururiyey dadaaladii kala dambeeyey ee arrintan loo soo galay iyo wixii ka soo baxay doodihii, aqoon-iswaydaarsiyadii iyo lafagurkii lagu sameeyey xaaladda dhabta ah ee saxaafadda Somaliland. Iyada oo himilada soo bandhigga warbixintaasi tahay sidii aan u dhugan lahayn si waafi ahna uga dhergi-lahayn wixii ka soo baxay dadaalkii cuslaa ee aan gelinay in aan ku daraasayno baahida saxafiga iyo saxaafadda Somaliland.

Warbixintani waxa ay xambaarsan tahay macluumaad badan oo arrinkaasi gundhig u ah waana ta aan ku shaqayn doono sidii aan xal rasmi ah ugu heli lahayn innaga oo kaashanayna dhammaan daneeyayaasha saxaafadda Somaliland Gudo iyo Dibadba, gaar ahaan daneeyayaasha saxaafadda ee Bulshada Caalamka iyo Hay’adaha aynu wada shaqaynta leenahay iyo kuwo aan xidhiidho la samayn karnaba, waana tallaabo horumar ah oo muujinaysa in saxaafaddu maanta horumar ka gaadho in ay markii ugu horraysay noqoto mid is qiimaysa, dhibta haysatana ka fikirta sidii ay uga bixi lahayd haddii ay tahay dhibaatooyinka faramo, dhaqaale, aqooneed ama sharciba.

Talooyinka ka soo baxay kulamadii saxaafaddu isugu timid:

    In la hir geliyo xeerka rasmiga ah ee u yaalla Saxaafadda Somaliland (Xeer No. 27/2004).

    In la kobciyo awoodda Saxaafadda oo aad u hoosaysa dhinacyada Aqoonta, Agabka iyo Anshaxaba.

    In Dawladdu joojiso xadhigga deg-degga ah ee ka dhanka ah Saxaafadda (Saxafi iyo Xarun Warbaahineed) iyada oo loo baahan yahay in saxafiga cid kasta oo dacwad u haysataa ay sharciga la tiigsato isna uu isku difaaco hab sharci ah.

    Golayaasha Xeer-dejinta Somaliland waa in wax ka beddel iyo kaabis kasta oo lagu sameeyo Xeerka Saxaafadda ay door weyn siiyaan Saxaafadda iyo dhammaan daneeyayaasha.

    Xooggaga ammaanka ee Somaliland waa in ay fahmaan in aanay Saxaafaddu ahayn cadaw dalkani leeyahay, ee ay u arkaan tiir ka mid ah tiirarka Qarankani ku taagan yahay, isla markaana dhawraan xuquuqda saxafiga iyo xarunta warbaahineed ee dastuurku u damaanad qaaday ilaalin buuxda.

    Bulshada Caalamku waa in ay taageerto wax-ka-qabashada baahiyhaha Saxaafadda Somaliland dhinacyada tabobbarrada, qalabka iyo sharcigaba.

    In la helo Guddi Saxaafadeed heer Qaran ah (National Media Committee).

    Xukuumaddu waa in ay taageerto Saxaafadda Somaliland, kuna dedaasho in ay dhisto Machad lagu barto mihnadda Saxaafadda. ALLAA MAHAD LEH.”

 

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland