“Dallada SSE waxay u aragtaa in khilaafka Golaha Wakiiladu uu wiiqayo kalsoonida hannaanka dowladeed ee Somaliland iyo himilooyinka la higsanayo” – WARSAXAAFADEED

London (SLpost)- Daladda Kulmisa Ururrada Bulshada Somaliland ee Qaaradda Yurub, ayaa walaac xooggan ka muujiyey nusqaanta dawladnimada ee khilaafka Golaha Wakiilladu u soo keeni karo dalka, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay maanta soo saareen.

Dalladda Somaliland Societies Europe waxa ay u soo jeediyey xildhibaannada Golaha wakiillada inay xaaladda ku soo dabbaalaan sideedii hore isla markaana wada-xaajood iyo isu-soo dhawayn dhinacyada is-haya ah lagu dhammeeyo khilaafka jira.

SSEWar-saxaafadeedkaas ayaa u qornaa sidan: “Dallada SSE oo ay ku bahoobeen jaaliyadaha ama ururada Somaliland ee Yurub waxa dareen aad u taban ay ka muujinayaan dhaqdhaqaaqa ilaa shalay ay ku hirdamayeen xildhibaanada kala taageersan mooshinada la soo jeediyay oo ilaa hadda ansixintooda la isku hayo.

Dallada SSE way ogsoontahay in xildhibaanada Somaliland ay Golaha wakiilada u fadhiyaan inay ka shiraan isla markaana ansaxiyaan wixii soo jeedin ah ee waafaqsan sharciga iyo xeerarka u yaala Golaha Wakiilada, laakiin mooshinada hadda socdaa waa qaar salka ku haya khilaaf soo kala dhex galay xildhibaanada Golaha Wakiilada. Waa arrin dhibkeeda iyo walaaceeda leh marka Golihii sharci dejinta laftiisu uu is-haysto iyada oo aad moodo in khilaafku salka ku hayo loolan siyaasadeed iyo khilaaf soo kala dhexgalahy xildhibaanada Golaha Wakiilada, maamdaama la isku hayo meel marinta mooshino kala duwan.

Dallada SSE baaqan uguma ay tallo gelin inay si faahfaahsan uga hadasho khilaafka iyo sida uu u bilaabmay iyo weliba ka faaloodka asbaabaha khilaafka keenay, laakiin keliya waxa aanu tilmaamaynaa in guud ahaan Golaha Wakiilada ay garbahooda saraantahay mas’uuliyad culus oo ah ka shaqeynta horumarinta dalka iyo dadka reer Somaliland. Dadweynaha reer Somaliland waxay xildhibaanada Golaha Wakiilada uga fadhiyaan fulinta mas’uuliyada loo igmaday, maadaama ay yihiin Gole sharci dejin oo ku soo baxay doorasho dadweyne. Waa muhiim in Golaha Wakiilada lagu soo celiyo jawi wada shaqeyn ah isla markaana wixii khilaafaad ah ee la xidhiidha mooshinada ama wixii soo jeedin ah lagu meelmariyo si waafaqsan shuruucda iyo nidaamka u yaala Golaha Wakiilada.

Dallada SSE lama yaabana in khilaaf ama aragtiyo kala duwani inay soo kala dhex geli karaan Golaha Wakiilada, laakiin waxa walaac iyo yaab nagu noqotay khilaafka iyo buuqa ka dhashay Golaha Wakiilada oo gaadhay heer ciidan booliisku ay ka soo xaadiraan goobta. Waxa kale oo ceeb iyo fool xumo ah in xildhibaanadu ay hawada ama qalabka warbaahinta isu marinayaan haddalo meel ka dhac ku ah qaranimada iyo hab maamuuska guud ee laga filayo mas’uul kasta oo xil Qaran haya.

Marxalada uu maanta dalku marayo iyo mandaqada aynu ku noolnahay oo aynu ognahay waxa ka socda iyo weliba Somaliland oo maanta cadow badani ku xeeranyahay ayaa waxa muhiim ah in dhammaan Golayaasha Xukuumadda iyo Axsaabta Qarankuba ay u hawl galaan in aanu khilaafku halkaa sii dhaafin isla markaana faro gelinta keliya ee lagu sameyn karaa ay noqoto mid wax toosin ah.

Golaha Wakiiladu waa mid ka mid ah dhardhaarada ugu muhiimsan Qaranimada Somaliland, waana inagu ceeb in khilaaf jiitamaa uu soo kala dhex galo xildhibaanada. Dallada SSE waxay ku talinaysaa:

–      In ugu horreyn Golaha Wakiilada iyo dhammaan xildhibaanadiisu ay ku baraarugsanaadan kaalinta udub dhexaadka ah ee ay waddanka ugu jiraan isla markaana wixii mooshino ah ama aragtiyo kala duwan ah lagu xaliyo iyada oo la marayo shuruucda Golaha wakiilada. Waxa naga dardaaran ah in aanu dhinac walba dhinaciisa tafsiir gaar ah uga bixin shuruucda isagoo oo ku eegaya aragtidiisa.

–      In Golayaasha kale ee xukuumaddu ay iyaga laftoodu ku baraarugsanaadaan kaalinta kala gudboon khilaafyada noocan oo kale ah oo ay faro gelintoodu noqoto mid dhexdhexaad ah oo aan ka gudbayn soohdimaha ama xuduudaha u kala jeexan Golayaasha Qaranka.

–      Warbaahinta Somaliland ayaa muhiim in iyaguna aanay hilmaamin kaalinta kaga aadan khilaafka Golaha Wakiilada isla markaana ka dheeraadaan waxyaabaha hurinaya ama sii shidaya khilaafaadka hadda jira.

–      Guud ahaan waxa aanu si gaara uga rajaynaynaa xildhibaanada Golaha Wakiilada inaad wakhtigiina, kartidiina, khibradiina iyo aqoontiina isugu geysaan in sida ugu dhakhsaha badan aad arrimaha taagan daawo ama xal ugu heshaan idinkoo la kaashanaya niyadiina fiican iyo talo saarashada Alle.

Alle ayaa mahad leh,

Guddida Fulinta ee Dallada SSE

Web: http//www.sseuro.com

Email: info@sseuro.com