Dalkan Somaliland Yaa Hogaamiya? Golaha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranku Ma Saxbaa Mise Waa Khalad? W/Q: Gudoomiye Sanwaa Cumar yare

sanwaaDHUGO, OO KA FIIRSO  TURUNTUROOYINKA  QARAN-DUMISKA AH EE HOOS KU XUSAN!  KA DIBNA MUWAADIN  RUNTA  KA  SHEEGOO: DALKAN  S/LAND YAA HOGAAMIYA? GOLAHA WADATASHIGA IYO  TOOSIN  QARAN  MA  SAXBAA  MISE  WAA  QALAD?

 

1-    Jananka ciidanka milatarigu maaha masuul si hawl yar lagu badalo, maha xil si fudud lagu magacaabo. Nin Jidhif la odhan jiray ayay xukumada siilaanyo u magacawday Jananka Ciidanka Qaranka ee Somaliland. Laba bilood (2)wax ka yar ayay ku badashay: Eesh calaa Jaahilnimo! Waan idiinku mahadnaqaynaa. Janan ciidan qaran maaha mansab si hawlyar loo badalo isagoo mudo yar hayay (Under any circumstance).

2-    Darajada ciidamada hadii aanu nahay Udub waanu ka xishoonay inaanu bixino sababta aasaasiga u ahayd arintaasina waxay ahayd: Darajo Ciidan marka la bixinayo waxa in badan la hubiyay, oo wada-jir laysula meel dhigay waa Miisaaniyadii Darajada markaas ayay haboontay in darajo la bixiyo! Ilama iswanaajena waxay yidhaaheen darajaanu bixinay laakiin janankii wuxuu la mushahar yahay dablihii! Eesh calaa Jaahilnimo!

3-    Hadaad ku dayato cidkale, waxa hubaala inaad fashil maysid! Waayo waa wax aan ilaahay kuu dhalin. Waxaan uga jeedaa, waxay ilma-iswanaaje is yidhaaheen sidii udub doorasho qabta wixii ka dhacay waa ogaydeen. Waxyaabaha ilaa iminka lala yaabanyay waxa ka mid ah:

A: Waar waad soo baxday Xildhibaan, waana la shaaciyay guushaadii! In yar ka dib, Xildhibaankii aanu shaacinay muu soobixin waxa soo baxay nin agtaagnaa oo la yidhaa Fulaan Binu fulaan! Eesh calaa Jaahilnimo, Xukumumada Siilaanyo ayaynu ugu mahadnaqaynaa!

B: Tirintii cododka ayaa timi, waxay ku leeyiin ilma-is-wanaaje ‘’Degmeda dhan ee Axmed-Dhagax lama hayo Dhaatadeedii!’’ Eesh calaa Jaahilnimo!

C: Sanaaduuqdii iyo Cododkii shacbiga Kudaafadaa ayaa laga guray! Isku soo duuduuboo dadku waxay isla qaateen inaanay doorasho dhicin. Dee laakiin ilma is-wanaaje ayaa dadiibi Jin la yidhaa: Is-Cajabiyaa ku jira oo iyaga waxkastaa waa la qumanyihiin!!

4-    Magacaabista LIISKA RAASHINKA! Ma waxaynu aragnay dad la magacaabayo oo liiska raashinkoo kale inta dadkii la magacaabay lays daba galiyo, oo hadhoow markaad liiskaa isku aragto eed waliba xilkii la wareegto lagu odhanayo, KA JOOG ADIGA MAAHEE!! Eesh calaa Jaahilnimo! Waxay maalin dhawayd magacaabeen Agaasime yaal aan u bixiyay: Dirkii ka-daroo-dibi dhal. Waxa shacbigu la siiyaabay, Agaasime shacaynayay dhawr cisho, ayay ku leeyiin waar soo dhaaf xafiiska lagu qaadye mid kalaanu ku wadnee.

5-    Ciyaarihii Gobolda waa arkayseen oo waxa lagu leeyay: Madaxtooyada ayaa tidhi Kabtanka kooxdoow lacag aanu kusiinee, Anagana nasii Cinjirka yaree cududaada ku xidhan ee kabtan nimada? Qas iyo Buuq ayaa ka dhacay! Waxa lagu leeyay M/Weynuu maba oga arimahaas!

6-    Safarkii Maraykanka: Atlantic Councilka ayuu tagay M/Weynaheenu, su’aal ayaa la waydiiyay? Wuxuu ku leeyay Maxamadoow soco!!!? Hadii suaali ku bilaabanto: Mr.President……, cida ka jawaabaysaa waa isaga/Mweynaa, ee meesha ma taal Caliyoow soco iyo Cawaaloow soco midna.

Waxakaloo lala sii yaabay: Keep quiet! Ayuu yidhi madaxweynaheenu oo way ku qosleen dadkii madasha fadhiyay, Diplomaasiyada ama xidhiidhka caalima ah kuma jirto: Keep quiet, you should have to give respectful /diplomatic response! Bal ka tabdheh muwaadin! Waa Ramadaane hor ilaahay u qiimee khaladaadkan Qaran, dabadeedna bal shacbiga ka qanci: Dalka yaa hogaamiya? Golaha Madaxabanaani miyaanu ahayn mid munaasiba marka loo eego Turunturooyinkaas ka midka ah Khaldaadka hogaanka Xukumada maanta jirta!! Salaamu Calaykum.

 

F/Gaara: Shaqsi uma jawaabo, Afxumana Umada uma horseedo, taasaynu isku ognay Akhristayaal.